Waxa maanta caadi kusoo noqotay xaaladda xaafadda Woolwich oo sadexdii cisho ee ugu danbeysay ay ka jireen hawl galo kadib markii nin Nagerian ahi si xun ugu diley askari ka tirsan malatariga dalkan Ingiriiska, Waxa warbaahinta caalamku ay weli gaaf wareegayaan xaafadda iyo waraysiyo kala du-duwan oo raadinaaya war dheeraada oo kasoo kordha.Waxa ay salaadii Jimcaha dhamaan saxaafadda kala duwani ay booqasho ku yimadeen masaajidka xaafadda oo ay si toosa u gudbinayeen wararka,tasoo ay ugu wacan tahay niman isa soo urursaday ay habeen hore weeraro kusoo qadeen masaajido ay Muslimiintu ku cibaadeystaan tasoo ay ugu wacan tahay inay war faah-faahsan helaan,Waxa masaajidka kala hadlay Imaamka masaajidka iyo qaarka tirsan maamulka masaajidka iyo weliba nin ku hadlaayey shacabka Nageria oo dhamaan shacabku ay aad uga xumayeen sida dilku u dhacay iyo magaca Muslim oo si xun loo isticmaalaayo.
Waxayna cadeeyeen in ay tahay wax laga xumaado in dilka noocaas oo kale ah xaafadan laga geysto,waxayna tacsi u direen dhamaan sahacabka dalkan degan gaar ahaa cidii uu ka baxay
Wixii war ah ee kasoo kordha lasocda warkayaga Danbe
Xamse A Salaan
Woolwich
London