Xafladii Debaal-dega 18 May ee Bristol iyo madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo wafti uu hogaaminaayey oo kasoo qaybgalay

calaan yahow

Habeenkii Sabtida ee bishu aheed 21/5/13 kuna beegned  Salaasa ayaa waxaa lagu qabtey  Badhtamaha Magaalada Bristol xaflad aan nooceeda hore loogu arag Bristol oo si heer sare loo soo agaasimey  ,taasi oo ay ujeedadeedu aheed Xuska Sanad Guuradii 22 ee ka soo wareegtey Gooni isku taiga Somaliland

 SONY DSCSONY DSC

Waxaa madasha soo buux dhaafiyey dadweynaha reer Somaliland ee ku nool magalada Bristol iyo nawaaxigeega kaasi oo ay  dhoolatus weyn ku sameeyeen  magalada Bristol .

SONY DSC

Xafladdan oo si weyn loo soo abaabuley ayaa waxaa ka dhex muuqdey Bulshada Qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada Haweenka,Siyaasiyiin iyo Waxgaradka bulshada Somaliland ee wadankan uk iyo marti sharaf kale oo farabadan oo lagu soo casuumey  xafladdan.

 SONY DSC

Waxaa sida cadaadu aheed isla markiiba lagu furey xafladda aayadahii qur,aanka kariimka ah .

Waxaana lagu xigsiiyey heesta calanka Somaliland oo madasha laga sarey dadkii oo dhami u sara kaceen calanka .

 SONY DSC

Ka dibna waxaa si rami ah u furmey xaflada waxaana ka Hadley xidhiidhiyaha xafladda Cabdirisaaq Ibrahin (Alfo) isaga oo dadka xafladda ka soo qeyb galey mahadnag aad iyo aad u badan uga mahad celiyey dadweynaha sida wakhtigooda qaaliga ah u soo hureen Habeenkan caawa ah,waxaa isna halkaasi ka Hadley madasha Odeyga Magalada Bristol  kana waramey Maanta 18 may qiimaha ay inoo leedahay ,waxaana kale oo uu ugu mahad celiyey waftigan balaadhan ee uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu hor kacayo ee caawa nagula ciidaya magaladan Bristol dabaal dega maalinta Somaliland 18/5 oo sharaf iyo qadarin  inaga mudan .

 

Waxaa iyana masha hadal aad u mihiima ka jeediyeyWakiilka Somaliland u fadhiya uk Ali Adaan Cawaale, Gudoomiye ku xigeenka labad ee xusbiga kulmiye Mohamed Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Abdirahman abdilahi ismail (Saylici) wasiirka Maaliyada Abdicasiis mohamed Samaale ,wasiirka Gaashandhiga Ahmed xaaji ali Cadami,wasiirkii hore ee warshadaha Mohamed Saleeban weyne , Marwo Amaal xaaji Miisaan  iyo Madax badan oo kale aad iyo aad ugu dheeradey wax qabadkii xukuumada Somaliland ee hada talada haysa iyo socdaal koodan ay ku yimadeen dalka boqortooyada Engiiska,dadka reer Somaliland ee qurbajooga ahna ugu baaqey in ay ilaaliyaan midnimada iyo isku duubnida kana foogjinadan cadowga Somaliland .

 

Waxaa kaloo xaflada lagu soo bandhigey Farshaxan aad u qurux badan sida heeso  buraanbur, gabayo iyo halku dhigyo lagu taageeroyo maalinta weyn 18 may..

 

Xafalada ayaa waxa ku dhamaatay jawi  farxadi ku dheehantahay  iyadoo dhamaan masuuliyiinta xaflada soo agaasimey ay u mahad celiyeen dad weynihii xafladaa ka soo qeyb galey oo dhan .

 

 Maxamed Luqmaan

Salaanmedia/London