Xil. Ka Tirsan G. Guurtida Somaliland Oo Sheegay In Uu Askariga Ilaaliya Gudoomiyaha Golaha Uu Gacan Ka Jabiyay

Xil. Ka Tirsan G. Guurtida Somaliland Oo Sheegay In Uu Askariga Ilaaliya Gudoomiyaha Golaha Uu Gacan Ka Jabiyay

afa11a3aa05fa55c25abcd1dda222353_L

  Hargeysa(SM) May 30, 2013 – Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida, oo gacantiisa midig farahu burbureen ka dib markii sida uu sheegay  uu budh la dhacay askariga ilaaliya gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu xildhibaanku weerarkan lagu soo qaaday uu ku xidhiidhiyay gudoomiyaha oo uu sheegay inuu dhaliilo u soo jeediyay marar badan.

Xildhibaankan dhaawacu gaadhay waxa uu sheegay in Axadii toddobaadkan budhka la’la dul maray isaga oo golaha fadhiya ayna ahayd arin qorshaysan, waxaanu sheegay in arinta golahu gacanta ku hayo oo wada hadalo ay ka socdaan, wax badana aanu ka sii odhanayn.

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug oo u warmayey qaar ka mid ah warbaahinta , waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Waxaan sheegayaa in gacanta midig oo uu nin askari ah igu dhuftay aan ka jabay, ninkaas askariga ah oo ah nin golaha guurtida nala joogay mudo badan oo ilaalo u ah gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Gaal, runtiina ninkaas wax allaale iyo wax na dhex maray ma jiraan balse waxa muuqda in uu cid dabada ku hayo, maadaama oo uu cid ilaalo u yahay, mana doonayo wakhtigan inaan arintaas si toos ah uga hadlo, walina waxa socda wada hadalo arinkan ku saabsan,  faraha hore ayaan ka jajabay laakiin ninku aniga oo golaha fadhiya oo aan iska arkayn ayuu budhka ila dul maray oo madaxa ayuu doonayay inuu igaga dhufto markaas gacantaan iskaga dhigay.

Ninkan rugta booliska ee xarunta golaha ku taala ayaa lagu xidhay ka dibna waxaan maqlay waa uu ka baxsaday halkaas, ninkaasu maaha wax sii weyn ee waa la soo adeegsaday uun arinkana cidbaa gacanta ku haysa oo golaha ayaa la wareegay.arinkana gudoomiyaha ayuu la xidhiidhaa anigan waxa laygu maagay aragti aanu ku kala fognahay gudoomiyaha, waxaanan odhan lahaa kursiga ayaa dhaliisha wata ee in la dulqaato ayay ahayd”

 

 

Salaanmedia

Hargeysa Desk