XILDHIBAANKA DA’DA YAR EE REER SOMALILAND MUDANE AMIIR ADEN AYAA COD DHEER KU YIDHI AQOONSADA SOMALILAND

XILDHIBAANKA DA’DA YAR EE REER SOMALILAND MUDANE AMIIR ADEN AYAA COD DHEER KU YIDHI AQOONSADA SOMALILAND
46106_10150255098250578_703586_n
983967_570788876298836_342674672_n
Stockholm (SM) 21.05.2013 Mudane ka tirsan Baarlamaanka wadanka Sweden Mudane Amir Aden, ayaa bulshada caalamka ugu baaqay inay aqoonsadaan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Xildhibaan Amiir Aaden, wuxuu sidan ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray 18 May, kaas oo uu ugu tallo galay inuu kula dabaal deggo umadda Somaliland.

Xildhibaankan, oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Sweden, warsaxaafadeedka uu soo saaray, oo aanu idiin soo turjunay wuxuu u qornaa sidan: “Anigoo ka mid ah Baarlamaanka Sweden, waxaan ku faraxsanahay inaan hambalyo u diro shacabka Somaliland ee u dabaal degaya sannad guuradii 22aad ee ka soo wareegtay 18 May 1991.

Sannadihii la soo dhaafay horumar ayaa laga gaadhay dhinacyada degenaanshaha iyo dawlad wanaaga. Doorashooyin xor iyo xalaal ah ayaa la qabtay.
Ilaa sannadkii 2000kii shan doorasho ayaa la qabtay, oo ay khubaro caalami ah sheegeen inay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah, taas oo keentay inay xil wareejin nabadgelyo ahi dhacdo. Ururada caalamiga ahi waxay weli Somaliland ula macaamilaan gobol ka mid ah Somaliya, laakiin waxay iska indho tirayaan taariikhda iyo xaqiiqada dhulka yaala.
Sidaas daraadeed, waxa la gaadhay wakhtigii ay bulshada caalamku aqoonsan lahayd Somaliland. Somaliland oo madaxbanaani waxay gacan ka gaysanaysaa nabadda iyo degenaanshaha gobalka ay colaadaha iyo degenaansho la’aantu aafeeyeen.Maalintan gaarka ah, waxaan hambalyo diiran u dirayaa shacabka Somaliland.”

Salaanmedia/Hargaysa

Source Burco online