Xisbiga UCID oo Si Adag u cambaareeyay Hadalkii Deel-qaafka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya

Xisbiga UCID oo Si Adag u cambaareeyay Hadalkii Deel-qaafka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya

May 21st, 2013 

HARGEYSA (SM)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta cod dheer ku cambaareeyay hadalkii deel-qaafka ahaa ee ka soo yeedhay madaxweynaha dawladda Soomaaliya, oo dhawaan qadiyadda Somaliland ku tilmaamay caadifad.

Sidaasna waxa xisbigu ku sheegeen war-saxaafadeed ka soo baxay xaruntooda dhexe oo uu ku saxeexnaa Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha gudaha Xuseen Xasan Badmaax, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Xisbiga caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxa uu u taagan yahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa aanu si aad ah u cambaaraynaynaa fara-gelinta iyo xad-gudubka siyaasadeed ee joogtada ah ee ay dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland.

Hadalka ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliya waxa uu muujinaya khiyaamada ay dawlada uu ka tirsanyahay kula jirtay qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara, waxaanu leenahay dawlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh waanu garanay ula jeedada aad ka lahaydeen wadahadaladii inoo socday inaad midnimo muusaysan hoosta ka wadeen.

Waxa aanu leenahay joojiya riyada aad ku jirtaan, kuna laabta xaqiiqada ah inay dalka iyo hawada Jamhuuriyada Somaliland midna aanay ka mid ahayn Somaliya, nahayna laba dal oo jaar ah.”