Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Ka Baxday Heshiis Xaqa Ugu Badan Ee Biyaha Webiga Niil Siinayey Dalalka Suudaan Iyo Masar

(SM-Addis-ababa) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka baxday heshiis ay saxeexday  waqtigii gumaysiga oo xaqa ugu badan ee addeegsiga biyaha webiga Niilka siinayey dalalka Suudaan iyo Masar.

Dowladda Itoobiya waxay ku doodaysaa in heshiiskan oo la saxeexay sanadkii 1929-kii, uu waqtigiisu dhammaaday, balse Dowladda Masar ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeedda tallabadan ay qaadday Itoobiya.

Madaxweynaha Masar, Maxamad Mursi, ayaa hore u sheegay in dalkiisu ay u furan tahay waddo walbo oo lagu joojin karo dhismaha biyo xidheenka ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Niilka.

Dadka reer Masar ee gaadhaya 84-ta Milyan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin webiga Niilka.

Dowladaha ku yaalla Bariga Afrika ee uu soo maro webiga Niilka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in dib looga hadlo qodobbada heshiiska la saxeexay xilligii gumaysiga oo Suudaan iyo Masar oo keliya u oggolaanayo inay dhisan karaan biyo xidheenno.

Salaanmedia/Hargaysa/Office