Berbera, (SM)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal ku gaala bixinayay gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa cawaysinkii habeen hore si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Soo dhaweynta Axmed Ismaaciil Samatar ayaanay u kala hadhin masuuliyiinta heer gobolka, kuwa degmada iyo dadwaynaha gobolkaasi , isla markaana lagaga hortegay tuulada xabaalo-tumaalood laguna soo gelbiyay gaadiid fara badan
Munaasibad balaadhan oo lagu soo dhawaynayo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo weftiga la socda oo ay ka mid yihiin xubno wasiiro ah, ayaa shalay ka qabsoontay hotel Maansoor ee magaalada Berbera, waxaa ka qayb galay masuuliinyiinta gobolka Saaxil, degmada Berbera, maareeyaha dekeda Berbera, ardayda jaamacada Berbera iyo marti sharaf badan.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo munaasibaadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay guud ahaan socdaalka uu ku yimi Somaliland waxaanu sheegay inuu ku faraxsanayahay booqashada uu ku yimi Berbera iyo socdaalka uu ku marayo gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaanu maamulka iyo dadwaynaha uga mahadnaqay sida diiran ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Berbera, Aqooyahan Samatar waxa uu sheegay in loo baahan yahay midnimo iyo caddaalada si dalku horumar balaadhan ugu talaabsado, waxaanu xukuumadda u soo jeediyay in kor loo qaado adeegayada aasaasiga ee bulshada magaalada Berbera, maadaama ay tahay isha dhaqaalaha ee dalka, ”Runtii waan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee maamulka iyo shacabka magaalada Berbera noo soo dhaweeyeen, haddii aynu doonayno inaynu wax noqono waa in aynu wadajirka iyo midnimadeena xoojinaa cadaaladana hagaajinaa, waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa in la tayeeyo adeegayada aasaasiga ee bulshada magaalada Berbera, waayo waa isha koowaad ee dhaqaalaha dalka ka soo xeroodo waa inaan ladhaafin ee iyada dib wax loo galiyaa.” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samater.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo isagu hogaaminay weftiga, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa maamulka dadwaynaha uga mahad celiyay sida wacan ay u soo dhaweeyeen.

Badhsaabka gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, maayarka magaalada Berbera, Cabdishakuur Cidin iyo maareeyaha dekeda Berbera, Eng Cali Xoor-xoor oo munaasibadaasi hadalo ka jeediyay ayaa dhamaantood sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada aqoonyahan, Axmed Ismaaciil Samatar ku yimi Berbera, isla markaana ay ku soo dhaweynayaan dalkiisa hooyo.

Masuuliyiinta jaamacadaha Berbera University, Golis University iyo Alpha University, ayaa iyaguna dhamaantood sheegay in baahi wayn loo qabay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar in dalkiis hooyo yimaado, isla markaana dadkiisa kala qayb qaato horumaka dalka u baahan yahay. Waxaanay xuseen in uu jaamacadaha wadanka uu gacan wayn ka geesto tayayntooda.

Salaanmedia/Hargaysa