37 Qoys Oo Agoon Ah Oo Ku Nool Boorama Oo Loo Qaybiyay Lacag Deeq Ah Oo Ka Timid Walaalo Muxsiniin Ah Oo Ku Nool Ingiriiska

June 23, 2013 Borama(SM) -Deeqdan lacagta ah ee maanta loo qaybiyay 37ka Qoys ee Agoonta ah waxa ay qayb ka taay lacag deeq ahayd oo ka timid Walaalo muxsiniin ah oo degan dalka Ingiriiska waxana lau soo hagaajiyay Sh. Maxamed Cumar Dirir, waxana qaybtii loo soo diray gobolka Awdal lagu soo hagaajiyay Jimciyada AL WAFAA AL KHAYRIYA ee Magaalada Boorama.

Markii lacagtan dadkaasi agoonta ah shaqsi shaqsiga loo gaarsiiyay waxa goob joog ka ahaa Sh. Muxumed Warsame oo ka mid ah Masuuliyiinta jimciyadan, waxana

Sheekha oo halkaasi ka hadalay uu ugu horayntii u mahadnaqay walaalaha soo diray lacagtan waxana uu intan daba dhigay “Waa Alle mahadii maanta waxa aan halkan dadka agoonta ah, kuwooda ugu sii liita, u qaybinaynaa lacag dhan 2500 oo doolar oo ay soo direen walaalo muxsiniin ah, waxana loo soo wakiishay Sh. Maxamed Cumar Dirir, kaasi oo qaybtii gobolka Awdal na soo gaarsiiyay.

Sheekh Maxamed Cumar oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa aan halkan maanta 37 qoys oo dadkaasi agoonta ah ka mid ah ku gudoonsiinaynaa lacagahii aan u qorshaynay, taasi oo aan ugu talo galnay inay qoyswalba u noqota in wax fiican u goysa, waxana aan u mahad naqaynaa walaalihii soo diray.

Qaar ka mid ah dadkan Agoonta ah ee la gaarsiiyay lacagtan ayaa iyaguna ka mahadnaqay deeqdan la soo gaarsiiyay, waxana ay si balaadhan Eebe uga baryeen in dadkii soo diray uu uu badalo Caafimaad, Cimridherer, Awlaada oo uu u barakeeyo iyo Maalinta qiyaame oo uu miisaanka xasanaadka ugu daro.

Si Kastaba ha ahaatee, lacagtan maanta dadkan Agoonta ah ee ku nool Boorama la gaarsiiyay ayaa ku soo beegmaysa waqti ay baahi badan u qabeen, bishii Ramadaana ay fooda nagu soo hayso loona baahan yahay in dadka Agoonta ah iyo kuwo kale ee masaakiinta ah ee ku nool Boorama la gaarsiiyo deeqo tan la mid ah.

Salaanmedia Borama Office