Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

“Waxaan Soo Arkay Dal Raadka Dawladnimadu Deegaan walba Saameeyay”

image

Mahad naq iyo Bogaadin ka dib, Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu madashaasi kaga dhawaaqay inuu ku qancay qadiyada gooni-isutaaga Somaliland, arkayna waxaanu filayn iyo horumar la mahadiyo oo aan maanta cidna dafirin Karin, si buuxdana waxa uu u shaaciyay inay Somaliland xaq u leedahay aqoonsi iyo inay beesha Caalamku hoos ugu daadegto sugida xuquuqda Mawaadiniinta Mandaqadan ku dhaqan.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale tilmaamay in safarkiisa Goboladda Somaliland aqoon ku dhaw intii uu bartay uga korodhay, waxaanu hadalkiisa ku ladhay dar-daaran culus oo uu si guud ugu diray Bulshada Reer Somaliland.
Muxuu ku arkay Somaliland:

• waxaan arkay dal midaysan, dawladnimadu wada saamaysay oo Raad dawladnimo ka muuqdo, meel kasta magaalo kasta oo aan tegay Ceerigaabo ilaa Saylac , waxaan arkay Dal siyaasad degen leh, oo ay ka jirto ku dhaqan Dimuquraadiyadeed oo dhab ahi, madaxdiisa iyo Golayaashiisa shacbigu soo doorteen.
• Waxaan arkay dal Sharciga iyo is-xukunka Nidaamka dawladeed loo hogaansanyahay madaxda u saraysay ilaa qofka u hooseeyaa oo laysku Ixtiraamayo”
• Waxaan arkay in Dadka reer Somaliland Xoriyad dhab ah u haystaan dhiibashada Fikirka oo ay omali ah fikirkooda u dhiiban karaan”
• Waxaan arkay in dadka Reer Somaliland ay yihiin kuwa Jaan-gooya Mustaqbalkooda oo ay door ku leeyihiin ka talinta Mustaqbalka wadankooda”.
• “waxaan arkay dad Midaysan oo isjecel oo madax iyo Minjo is-ixtiraamaya, waxaanan leeyahay intaa markaan Arkay ee aan tegay Boorama, ilaa Ceerigaabo, Jamhuuriyada Somaliland Illaahay ha barakeeyo, anigoo qiraya in waxay qabsatay somaliland yihiin wax cad oo
Soo jeedin:
• “waxa loo baahanyahay inay Somaliland samaysto Istaraatijiyada siyaasadeed oo cusub oo ay kula xidhiidhayso Beesha Caalamka, haday tahay Afrika iyo haday tahay wadamada kale ee Adduunka, waxaanan leeyahay Waddankani wuu u qalmaa inay aduunyadu timaado oo la arko waxay qabsadeen”.
• “Waa in Dhaqaale la abuuro, oo la sameeyo waxa la yidhaahdo shaqo abuuris.
• Waxaana meelaha loo baahanyahay in dhaqaalaha laga kabo ka mid ah Dhismaha Wadooyinka, waayo, Waddanka meel kasta oo aan maray dadku waxay ka cabanayeen wado xumo, waxaana taasi ka markhaati ah Hargeysa oo qudha ayaa waddooyinka suuqa marayaa wada bur-bursanyihiin,meelaha rafkaa ee dhulkii aanu maraynayna meelaha qaarkood ayaanu Masaafo dhan 2 Mile ku soconay saacad, markaa waa in wadooyinka waddanka wax laga qabtaa , si qofka Beeralayd ahi wado uu Khudaarta ku soo Iib-geeyo u helo”
“waa in Cadaalada la horumariyo oo dadku Calaad wada helaan oo aan cidna qabyaalad iyo hayb-sooc lagu Takoorin,hadii Cadaalad la waayo Jamhuuriyada Somaliland waxay noqon doontaa mid gubata oo xataa nacdasha ilaahay ku soo Degto.
• Waxa loo baahanyahay in waxa aynu doonayno ee Mustaqbalkeenu ku xidhanyahay haday tahay siyaasada iyo haday tahay arimo kaleba, in dadku talo ku yeeshaan oo qof walba fursad loo siiyo inuu talo ka dhiibto.
• Waa in la kala saaro dawladnimada iyo qabyaaladda oo aan laysku salayn, waa in la horumariyo wax beerista, kobcinta Xoolaha Nool . dadkuna helaan biyo nadiif ah.
• Waa in Waxbarashada dib u habayn deg-deg ah lagu sameeyo, iyadoo aan qirayo inay meel wanaagsan marayso waxbarashadu, waxaanan odhan lahaa Jaamacaddaha badan ee waddanka ku yaala hala mideeyo, hadii ay suurto galtahay”.
• Waa in Caliga iyo Maskaxda laysku kaashadaa oo ay Somaliland oo mid ahi muuqataa, waayo hadii aynu nidhaahno aqoonsi hanala siiyo oo qudha oo aynu qorshe iyo istaraatijiyad yeelan wayno waxba inooma suurtoobayaan.
Gunaanad:
Waxa kale oo uu sheegay “markaan noqdo waxaan dhabarka ku sii qaadanayaa dayn cusub oon kale, laakiinse qurux badan, taasoo iigu biiraysa dayntii hore ee ay igu lahaayeen Eheladayda iyo dadkii i soo koriyay, anigaanaay I jirtaa sidaan u uruursanayo dayntan cusub ee aan sii qaadanayo iyo taydii hore”.

Isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “qolo Saaka (shalay) ii timi ayaa igu yidhi waxaanu doonaynaa inanu samayno wax la yidhaahdo MAKKTABADDA QARANKA, waxaanan doonaynaa inaad nagala qayb-qaadato, runtii waan soo dheynayaa, waxaanan ka codsanayaa Masuuliyiinta qaranka in hawshaa la garab istaago”.

Isagoo ka Jawaabayay Su’aal laga waydiiyay qorshihiisa inuu Barre ka noqdo Jaamacaddaha Somaliland waxa uu yidhi “Maraykan waxaan ku noolaa afartan sanadood in ku dhaw, hawl iyo shaqo culus ayaan u hayaa wadankaa, markaa ma odhanayo intaan hawshii qabsada ku idhaahdo ayaan halkan ku soo noqonayaa, laakiinse taasi waxay u baahantahay qorshe, waxaanan odhan karaa waxay ku xidhantahay waxay Somaliland iigu bedelayso, shaqadii aan dalkaa ka hayay”.
Dhinaca kale waxa kulankaasi ka hadlay, Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Madaxa Kulliyada sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Prof Maxamuud Xuseen Faarax, kuwaasoo Aqoonyahanka uga mahad celiyay dareen celinta uu ka bixiyay Maxsuulka safarkiisii uu dalka ku soo wada maray.

Xigadho Somaliland.org




Leave a Reply