Aamin Yare oo ka mid Ah Gobolka Daadh Madheedh oo Hogaaminaya gool dhalinta Tartanka Ciyaaraha Gobolada

994151_10152910951755529_1488770481_n

Aamin Yare oo ka mid Ah Gobolka Daadh Madheedh oo Hogaaminaya gool dhalinta Tartanka Ciyaaraha Gobolada ilaa Imika Wuxuu Haystaa 4gool Waxaan u rajaynayna inuu Qaado Gaadhiga Dahabshiil group bixinayso
Xulka Daadmadheedh (SM) oo illaa Iminka Hogaanka u Haya Dhibcaha & Gool Dhalinta & Weliba Orodada Ciyaaraha Gobolada Somaliland Ee Ka Socda Magaalada Hargeysa
Ciyaaryahanada gobolka Daadmadheed (Oodweyne) ayaa maanta ciyaar aad u layaab leh kusoo bandhigay garoonka kubada cagta ee magaalada caasimada ah ee Hargeysa ee ay ka socdaan ciyaaraha gobolada ee dalka Somaliland, Kooxda gobolka Daadmadheedh oo ah inamo aad u dhalinyaro ah oo da,doodu aad yar yar tahay ayaa ciyaartaa wanaagsan ee ay soo bandhigeen ay keentay inay ka guuleystaan xulka gobolka Badhan oo ay galabta is haleeleen,

Xulka Daadmadheedh (Oodweyne) oo markii ugu horeysay kasoo qeyb gallay ciyaaraha gobolada ayaa layaab & baqdin badan ku keenay kooxaha kale iyadoo inamada gobolka Daadmadheedh ay noqdeen xulka keliya ee ay ka werweraan tababarayaashu inay ku soo baxaan ama ay isku soo aadaan, Kooxda Daadmadheedh ayaa illaa iminka ku hogaaminaysa 7 dhibcood groupkooda iyagoo noqday kooxda ugu horeysa ciyaaraha gobolada illaa iminka, kadib markii ay ciyaartii ugu horeysay ay ku muquuniyeen xulka gobolka Saaxil 2:1 halka ciyaartii labaadna ay ku kalla baxeen 1:1 xulka gobolka Hawd, Ciyaarta maanta ayaa noqonaysa ciyaartii sadexaad ee ay ciyaaraan kooxda Oodweyne iyagoo 2:1 kaga badiyey xulka gobolka Badhan,

Amiin Yare

Ciyaar yahanada Gobolka Daadmadheedh (Oodweyne) oo u muuqada qaar aad loosoo habeeyey ayaa illaa iminka isku darsaday Record badan oo ay haystaan taasoo ah inay iyagu hogaaminayaan dhinaca dhibcaha & in ciyaartoy kamida gobolka daadmadheedh uu illaa iminka haysto gool dhalinta, Kaasoo ah Amiin Yare oo illaa iminka dhaliyey afar gool iyadoo laacibka ugu soo dhow uu leeyahay laba gool oo keliya, Aamiin Yare ayaa sidoo kale kamida illaa iminka ciyaar yahanada ugu laacibsan kooxaha isugu yimi tartankan isagoo aad u cajabiyey guud ahaan dadka reer Somaliland ee daawanayey ciyaaraha gobolada marka la eego qaabka uu u ciyaarayo ee isku kalsoonida ah & sida fudud ee uu kubada shabaqa ugu hubsado, Mr: Amiin oo gobolka Daadmadheedh u sita lambar 7 ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ku guuleysto laacibka ugu fiican ciyaaraha gobolada Somaliland ee sanadkan, Dhinaca kale ciyaartoyga gobolka Daadmadheedh waxay kaalinta ugu horeysa kaga jiraan ciyaaraha orodada iyagoo sanadkan la saadaalinayo inay guulo badan kala tagaan ciyaaraha Gobolada oo ay markii ugu horeysay kasoo qeyb galeen,

 

Salaanmedia/Hargaysa