Home Wararka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland oo Daaha Ka Rogay in Wasiiro...

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland oo Daaha Ka Rogay in Wasiiro iyo Masuuliyiin Kale oo Ka Tirsan Xukuumadu ay Khilaafkii Ciyaareed ee Togdheer ay Ka Danbeyeen

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland oo Daaha Ka Rogay in Wasiiro iyo Masuuliyiin Kale oo Ka Tirsan Xukuumadu ay Khilaafkii Ciyaareed ee Togdheer ay Ka Danbeyeen

(SLT-Hargeisa) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Somaliland Mustafe Maxamed Qodax ayaa Galabta Goor dhawayd mar uu u waramayay Talafiishanka Horn Cable si rasmiya shaaca uga qaaday in wasiiro ka tirsan xukuumada iyo masuuliyioin kale ay si toosa faraha ugula jiraan arinka ciyaaraha isagoo dhinaca kalena sheegay in ciyaartoygii la xidhxidhay ee Gobolka Togdheer ay arintoodu ahayd mid siyaasadaysan oo wasiiro iyo masuuliyiin kale oo heer gobol ahi faraha kula jireen.

Agaasimaha guud ayaa mar uu arimahaas ka hadlayay waxa hadaladiisa ka mid ahaa

Aad baan uga xumahay in masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadu oo leh wasiiro iyo badhasaabo ay galabta gudaha u soo galaan ciyaartan dhexmaraysa Gabiley iyo Sool kuwaasi oo u doodaya ciyaartoy u ka soo jeeda gabiley oo  la baadhayo inuu qaatayy laba kaadh oo huruuda iyo in kale  iyadoo ay arintaasi tahay hawlahayaga shaqo wasaarad ahaan iyo garsoor ahaanba balse maaha in wasiirada iyo masuuliyiinta qaran ee bulshada u dhaxaysaa inay iyagoo cid gaara ama gobol gaara u doodaya ay garoonka soo galaan

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee wasaarada Ciyaaruhu Mustafe Maxamed Qodax waxa daaha ka rogay arinta xadhiga Ciyaartoygii Gobolka Togdheer ee Laga Reebay tartanka waxaanu sheegay in khilaafkasi oo ahaa mid ay si weyn ugu lug lahaayeen wasiiro ka tirsan xukuumada iyo masuuliyiin kale oo gobol balse aanay ciyaaryahanadu kaligood khaladkaas galin.

Mar si gaara loo waydiiyay agaasimahani cida uu sida gaarka ah ugu eedaynayo khaladkani galaaftay xulkii Gobolka Togdheer waxa uu ka gaabsaday inuu cid magacaabo balse waxa uu qiray in wasiiro iyo masuuliyiintii khilaafkaasi ku dhex jirtay ay masuul ka yihiin arintaas wixii dhacayna lawada arkayba.

Ugu Danbaytiina hadalkani ka soo baxay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax ayaa Daaha ka rogaya eedayntii iyo fadeexadihii dhawanahanba dul hoganayay wasiirada Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo madaxtooyada Xirisi Cali X. Xasan kuwaasi oo lagu eedaynayay inay ciyaartoyga gobolk togdheer ay ku dhex jireen taasi oo keentay in ilaa madaxtooyada qaar ka mid ah ciyaaryahnada la geeyo siiba kabtankii xulka kubada cagta ee xulka Gobolka Togdhee

Salaanmedia/Hargaysa