Ahmed Madoobe Oo Casimada Wadanka Ethiopia Gaadhay

SM.. 17 June Madaxawaynaha maamul goboledka Juba land Ahmed Madoobe ayaa gadhay magalada addis ababa kadib markii halkasi uu marti Qad Ka helay dawlada Ethiopia .

Waftiga ahmed madoobe ayaa si diiran waxa ugu soo dhaweyay garoonka Bole AIrport ee Magaalada Addis Ababa Caasimadda Dalka Itoobiya kumanan Jaaliyada Reer Juba land ee dagan casimada Ethiopia ee Adiss Aababa .

Ahmed Madoobe ayaa dad waynaha uga mahad celiyay tageerada ay u Muujiyeen maamulkiisa iyo isaga ka madaxwayne ahanba inta aanu ku noqon Garoonka Halkaso gaadhi khaas ah oo dawlada Ethiopia usoo dirtay kaga Qaadya oo lagu Geyay Hotelka uu waftigiisa ka dagi donan magalda Addis Ababa.

Maanta ayaa la filayaa inay waftiga Ahmed madoobe ay kulamo la yeeshan Dawlada Ethiopia iyo sarakil sare sare oo ka socda Igad.

Salaanmedia/Hargaysa