Al-Shabaab oo Maanta soo bandhigtay Askar katirsan Ciidanka Dowlada oo dhankooda isku dhiibay(Daawo Sawirada)

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta soo bandhigay Askar katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya kuwaa oo Shabaab sheegeen in ay kasoo goosteen Ciidanka Dowlada ee kusugan Degmada Owdhiigle ee Gobolka Sh/Hoose iskuna soo dhiibeen dhinaca Ciidanka Al-Shabaab.

Ragan ee Shabaab soo Bandhigeen oo gaaraya ilaa labo Askari kuna labisan Dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya sidoo kale watay labo Qori oo Nuuca AK-47 ayaa maanta waxa ee kusoo bandhigeen Shabaab deegaan katirsan Gobolka Sh/Hoose.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose oo ka hadlay Goobtii lagu soo bandhigay labadan Askari ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Ciidanka Milaatraiga Dowlada Soomaaliya kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kaga yimid xaga Ciidamada AMISOM iyo dhibaatooyin kale sida uu sheegay.

Taliska Milatarigha Soomaaliya wax war ah kama aysan soo sarain raga nee soo bandhigeen Al-Shabaab oo la sheegay in ay katirsanaayeen Milatariga Soomaaliya si iskood ahna u go’aansadeen in ay ka baxsadana Dhinaca Ciidanka Dowlada kuna biiraan Dhinaca Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia