Alshabaab oo faarujiyay Deegaano badan iyo Ciiddamadda Dowladda oo dhaqdhaqaaq Culus bilaabay.

Wararka naga soo gaaraya dhanka gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxda Alshabaab ay faarujiyeen Deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan isla Gobolka Hiiraan oo maalmihii dambe ku jirtay Gacanta Alshabaab.

newsflash1
Deegaanada iyo Tuulooyinka ay Kooxda Alshabaab Faarujiyeen ayaa waxa ay dhacaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte ee isla gobolka Hiiraan.

Wararka aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Kooxda Alshabaab, ay la kulmeen Caqabado badan oo kaga imaanaya dhanka Ciiddamadda Dowladda ee inta badan Halkaasi gacanta ku haaya.

Faarujinta Kooxda Alshabaab ee Deegaanadaasi ayaa kusoo beegmaaya xilli gabi ahaan Gobolka Hiiraan ay ka socdaan Dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Ciiddamadda Dowladda Somalia oo ku xoogeystay Gobalkaasi.

Dadka Deegaanadaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in indhahooda ay qabanaayaan in xilliyada habeenkii ah ay ka baxdo Buulo-burte, maalintiina ay ku soo laabato.

Ugu dambeyntii, Faarujinta Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay kusoo beegmeysa Xilli uu Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee maamulka dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Laqanyo uu ku gooddiyay in al Shabaab ay ka saarayaan goobaha faro ku tiriska ah ee ay kaga sugan tahay gobolka.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com

Mogdisho