Bangi Ingiriis Ah Oo Sheegay In Uu Xidhaayo Xisaabaadka Xawaaladaha Soomaalida

(SM:Hargaysa)Bangigii ugu wayn ee xawaaladaha Soomaalida iyo kuwa ay ajaanibka kale ee dalka Ingiriiska ku nooli ay lacagaha ku xawili jireen ayaa daboolka ka qaaday inuu joojinaayo dhamaan xisaabaadka xawaaladahaas oo gaadhayay 250 xawaaladood.

 

Bangigan ayaan sheegin sabab buuran oo uu u joojinaayo xawilaada lacagaas,balse waxa uu xawalaadaha oo midkasta uu goonideeda ugu diray ogaysiin arinaas la xidhiidha uu ku sheegay inay xisabaadkoodu u furnaan doonaan wax aanka ka badnayan laba todbaad.

 

Shirkadaha xawlaadaha Soomaalida ayaa arintaas qaylo dhaan xooganka sameeyay waxaanay ugu baaqeen dawlada Ingiriiska inay bangigaas fahan siiso in uu arinaas ka laabto oo Somaalidu ay ka duwan tahay dadka kale ee dunida,tiro ka mid ah dadka aqoon yahanka ah ee dalka Ingiriiska ayaa durtadiiba qoraalo cabsho ah u gudibiyay dawlada Ingriiska.

Waxa sidan ugu waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da maamulaha guud ee shirkada Dahabshiil Cabdirashiid Maxmad Siciid oo iyaguna qoraalkaas la soo gaadhsiiyay. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Bangi Ingiriiska ku yaala oo la yidhaahdo Barclays bank oo la odhan karo waa bangiga dunida ugu wayn oo dhamaan shirkadaha xawilaada lacagaha ka shaqeeya ee Soomaalida iyo dadka kale ee dalkaas ajaanibka ku ahba ay isticaali jireen oo lagu qiyaaso shirkadaha xawilaado istcimaali jiray  250 shirkadood,ayaa dhawaan soo saaray go’aan uu leeyahay shirkadahaas dhamaantood ama badankoodaba lama shaqaynayno,taasi markaas waxay Saamay xoog leh ku leedahay Soomaalida oo si xoog leh  shirkadaha lacagta ugu dirta ah.” Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wataa waxauu yidhi “ Bangigu shirkadaha midkasta gaar keeda ayuu ula xidhiidhay sida igu maqaale ahana shirkadaha Soomaalida qaarkoodna Xisaabaadkoodii horaaba looga xidhay oo ilaa 12 xawaaladood ayuu bangigaas iyo bangiyo kaleba xisaabaadkoodii ka xidheen ilaa shan shirkadood oo Dahabshiil ay ka mid tahay wali xisaabaadkoodii waa ay furanyahiin,laakiin bangigani waxa uu leeyahay dhamaan shirkadaha ama badankooda ee lacagaha xawila in aanay  la shaqaynay .

imikawaxaanu rajaynaynaa in dawlada ingiriiska iyo dhmaan dawladaha kale ee daneeya lacagtan ay dadku ku noolyahiin inay arintan soo dhex galaan oo ay bangiga ku qanciyaan inay Soomaalidu ka duwan tahay  caalamkaas kale oo lacagta laysku diro waa aynu ka warhaynaa siday dadku ugu nool yahiin. waxaanan rajaynayaa in dawladaha gobalka ay Soomaalidu ku nooshay iyo tan Ingiriiska ee maanta leh Soomaalibaan caawinaynaa inay soo dhex galaan inuu bangigu go’aankiisaa ka noqon karo,bangiguna xaalada Soomaalida lama socodo.shirkado aanu ka mid nahay waa ay u sheegen in siyaada ay ku shaqeeyaan ay ku qanacsan-yahiin hawshooda iyo sharciyada ay ku shaqeeyaan waxayse mar-marsiiyo ka dhigteen inay doonayaan inay ganacsiganka baxaan.