Booqashada iyo martiqaadka Madaxweyne Siiraanyo ku tagayo SUCUUDIGA ma danbaa Somaliland ugu jira.mise arrinka NIILKA xaalku weeyi.

Booqashada iyo martiqaadka Madaxweyne Siiraanyo ku tagayo SUCUUDIGA  ma danbaa Somaliland ugu jira.mise arrinka NIILKA xaalku weeyi.

maqaal

Boqorka sucuudiga ayaa dhanbaal u soo diray madaxweyne siiraanyo uu ku martiqaadayo sucuudiga iyadoo dayaarad khaasana loo soo diri doono madaxwynaha , hadabaa maxaa keenay inay sucuudigu immika ina casuumaan arrintu malaa waa wabiga niilka.haddaba warbixin lagu daabacay wargeyska boston globe ayaa sheegtay in laga cabsi qabo in in uu dagaal ka dhex qarxo dowladda masar iyo itoobiya dagaalkaas oo sida warbixinta lagu sheegay salka ku haya biyaha wabiga niil, waxayna warbixintu intaas ku dartay in qaraxa dagaalkaas aad u soo dhowaaday ka dib markii ay itoobiya ku adkeysatay in la qaybsado biyaha niil iyada oo ay shirka ka maqanyihiin masar iyo suudaan .

 

Wargeysku wuxuu sidoo kale sheegay in dowladaha uu ka soo bilowdo wabiga niil ee yuganda,Kenya,tanzaniya,kongo,Burundi iyo ruwanda ay ku adkeysanayaan in ay xuquuq ku leeyhin wabiag neel waxayna dowladda mareykanka ka codsadeen in ay murankan si dhakhso ah u soo dhex gasho.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in dowladda masar ay ku adkeysaneyso haysashada xuquuqdeeda taariikhiga ah ee biyaha niil taas oo lagu qiyaaso 56 milyaar mitir oo saddex jibbaaran sanadkiiba iyada oo qayb ka ah biyaha wabiga oo ah 84 milyaar mitir saddexjibbaaran, halka dowladda suudaanna ay sheegtay inayna marna ka tanaasuli doonin qaybteeda dhan 15milyaar mitir saddexjibbaaran.

Sidoo kale warbixintu waxay tlmaantay in dowladda msar ay aad uga xuntahay qaababka codowtooyada leh ee ay itoobiya u qaabayneyso biyaha niil, waxayna intaas raacisay in haddii uu dagaal dhex maro itoobiya iyo masar ay ereteriya la safan doonto itoobiya oo ay horey cadow u ahaayeen hadda se uu heshiis ka dhexeeyo sida warbixintu sheegtay.

Masar waxay leedahay israa’iil ayaa dowladaha wabigu ka soo billowdo ku dhiirri galineysa in itoobiya laga sameeyo afar xarumood oo biyaha kronto lagaga dhaliyo  , arrimahaasina waxay sii xoojinayaan in dagaal ka dhex qarxo itoobiya iyo masar.

Wasiirka beeraha ee masar ayaa horey u sheegay in ay dagaal ka xigaan in la nusqaamiyo qaybtooda ay ka helaan biyaha niil, ra’iisul wasaaraha itoobiya ayaa isaguna mar sii horreysay sheegay in masar ayna iyaga ka celin karin waxa ay raba

 

Wariye  CALI Dheere  hargeysa Somaliland