Boqortooyada Sucuudi Careebiya oo maalmaha fasaxa todobaadka badashay.

Amar kasoo baxay Boqor Cabdullah Bin CabdiCasiis Aal Sucuud ayaa u badalay maalmaha fasaxa todobaadka maalinta Jimacaha iyo Sabtida iyadoo markii hore ahaan jirtay maalmaha Khamiista iyo Jimcaha. Amarkan oo saamaynaya dhamaan wikaalada dowlada, hayadaha iyo ganacsiga. Qaraarka ayaa hir galaya 29 bishan juun sanadka 2013.

 King Abdulah

Qaraarkan ayaa imanaya kadib markii ay dowladaha gacanka carbeed badankoodu u badaleen maalmaha fasaxa todobaadka Jimce iyo Sabti taaso u fududeenaysa ganacsiga wadamadaasi in ay la wadaagan 4 malmood oo maalmaha shaqada caalamka kale oo badankoodu sabtida iyo Axada Nasta.

Amarkan ayaan imanaya markii bashii lasoo dhaafay Saldanada Cumaan ay qaadatay talaabo la mid ah ta uu ku dhawaaqay Boqor Cabdullah Bin CabdiCasiis.

 

Warsame Siciid

SalaanMedia UK

Â