CHIEF CAAQIL AXMED MAXAMED DAAHIR OO KA DIGAY QABYAALADA KA JIRTA GOBOLKA TOGDHEER XUKUUMADA IYO SHACABKANA FARIIN CULUS U DIRAY

caaqil
Chief Caaqil Axmed Maxamed Daahir oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka Togdheer ayaa Maanta war saxafadeeed baaq ah oo ku aadan nidaamka qabyaaladaeed ee togdheer ka soo saaray magaalada Burco kana digay saamaynta ay arintaasi yeelankarto
Waxaana war saxafadeedkani oo dhamaystirnaa oo u dhignaa sidatan
“Waxaa La wada ogsoonyahay oo bulshaweynta Togdheerna ay qiraysaa in beryahan danbe ay soo noolaatay isla markaana ay soo xoogaysatay nidaamka qabyaalda oo si fool xun ugu dhex faaftay da’yartii iyo dhalinyardii reer Burco waxaana muuqata in qabyaaldu gaadhay heer aanay gaadhiin 1993 oo ahaa sanad ay ku suntanayd qabyaaladu waxaana laga dheehan karaa saamaynta qabyaaladu ku yeelatay bulshada bahdii waxbarashada ee Dugsiyada iyo ciyaartoygii gobolka taasi oo muujinaysana inaanay jirinba meel fayoobi.
Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa dhamaan waxgaradka,aqoonyahanka,culimada,madax dhaqameedka iyo cid kasta oo ka damqanaysa foolxumada qabyaalada inay fadhiga ka kacaan oo la dagaalamaan qabyaalada ka soo if baxday magaalada burco si looga badbaadiyo da’ayarta soo koraysa khatarta iyo halista ku lamaan qabyaalada.
Waxaanan xukuumada talada haysa si gaara u baaqayaa inay ka hawlkgasho sidii loo cidhib tirilahaa qabyaalada waxaanan kula talinaya ainay la timaado barnaamijyo macquul ah oo dadka u cuntama islamarkaana lagula dagaalamayo qabyaalada.waxaana haboon in xukuumadu dareensanaato inay masuul ka tahay dhamaan shacabka islamarkaan au aqoonsato inay qabyaaladu ka mid tahay cudurada faafa ee dilaaga ah loona baahanyahay in laga talaalo da’yarta soo koraysa lagana daweeyo dadka waaweyn.waana inay xukuumadu fiiro gaara u lahaato wax kasta oo abuuri kara dareen qabyaaladeed kana shaqayso isu soo dhawaynta bulshada walaalaha ah.
Waxaa kale oo iyana aan si gaara u dareensiinayaa uguna baaqayaa culumawdiintuna inay ku baraarugaan munkarka iyo xumaanta qabyaalada ku sii dhex faafasa bulshada waxaana looga baahanyahay inay wacyi galin buuxda ka siiyaan dadka ugana digaan khatarta qabyaaladu leedahay kuna booriyaan walaltinamada iyo daris wanaaga.
Geesta kalena waxaa xusid mudan waxaan u soo jeedinayaa waxagaradka iyo aqoonyahanka reer Burco inay dhalinayarada u sharaxaan foolxumada qabyaaladu leedahay iyo inay u darantahay mustaqbalkooda waana in dhalinyarada maskaxdooda lagu beero qaranimo lagana tirtiro qabyaalada ,qoqobka iyo reernimada”
Ugu Danbayntiina warsaxafadeedkani uu soo saaray chief caaqil Axmed Maxamed Daahir ayaa ku soo beegmaysa xili nidaamka qabyaaladeed ee ka jira gobolkiii togdheer oo kor u sii kacay mudooyinkii u danbeeyay iyadoo dhacdooyinkii mugdiga badan ee arintani qabyaalada ku taxaluqda lagu xasuusankaro ciyaaryahandii togdheer ee ka qaybgalayay tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland oo iyaga arin qabyaaladeed darteed oo tartankani looga reebay

Cabdikhaliq Diiriye Cawad

Salaanmedia/Burco