Colaad Ka Soo Cusboonaatay Xarshin, Iska Horimaadyo Ka Dhacay Deegaanka Cilmi Xirsi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SM:Hargaysa)Madaxweynaha Killilka Shanaad Oo Aan Weli Fulin Balanqaadyo Lagu Xalin Lahaa Shaqaaqooyinka Soo Noq Noqda Ee XarshinDeegaanka Cilmi Xirsi oo ka tirsan Degmada Xarshin ee Killilka Shanaad ee dalka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay mar kale ka soo cusboonaatay colaad hor leh, ka dib markii halkaas ay maalintii shalay ka dhaceen iska horimaadyo hubaysan.

Wararka ka imanaya Deegaanka Cilmi Xirsi ee Xarshin, ayaa sheegay in maalintii shalay iska hor imaadyo ay halkaas ku dhex mareen dadka Deegaankaasi iyo maleeshiyaad hubaysan oo ka soo jeeda Deegaanka Araarso ee Ismaamulka Somalida Itoobiya, kaas oo labada dhinaca ay isku adeegsadeen hubka fudud.

 

Mid ka mid ah dadka Deegaanka Xarshin oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa u xaqiijiyey Wargeyska Saxansaxo xalay in shalay gelinkii hore iyo kii dambe ay iska hor imaadyo hubaysan ka dhaceen meel u dhow Deegaanka Cilmi Xirsi ooh ore dagaalo uga dhaceen, waxaanu xusay in dagaalkan u dhexeeyey shacabka Deegaankaasi iyo maleeshiyaad hubaysan oo ka yimid dhinaca Deegaan Araarso, kuwaas oo uu sheegay in ay weerar ku soo qaadeen dadka Deegaanka Cilmi Xirsi.

Ninkan waxa uu intaasi ku daray in isku dhacan aanu sababin khasaare balaadhan, isaga oo xusay in aanay wax dhibaato ahi aanay soo gaadhin dadka Deegaanka, balse waxa uu ka dhawaajiyey in dhinaca Maleeshiyada ka timid Araarso hal qof ka dhintay mid kale ka dhaawacmay.

Iska hor imaadkan maanta ka dhacay Deegaanka Cilmi Xirsi ayaa u muuqta in mid u soo cusboonaysiinaya colaad halkaas hore uga dhacay oo keentay in ay dad badan ku dhinteen, ka dib markii Ciidamada Liyuu Boolisku hore weeraro ugu soo qaadeen dadka Deegaankaasi.

Colaadan soo noqnoqotay ee ka dhaca Deegaanka Xarshin ayaan weli xal loo helin, iyada oo Madaxweynaha Ismaamulka Killilka Shanaad ee Itoobiya oo dhawaan Booqasho ku tegay Xarshin uu balan qaaday inuu wax ka qaban doono cabasho dadka Deegaanku gaadhsiiyeen, balse balanqaadaydaasi ayaa la sheegay in aanay weli waxba ka fulin.

 

 

 

 

Xigasho :Wargayska Saxansaxo

 

 

Salaanmedia/Hargaysa