Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan Saxaafadeed)

Xog-Ururin, Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Ismaan-Dhaafka Masar Iyo Ethiopia (Qaybta 3aad)

Tan iyo markii ay soo shaac baxday in Ethiopia ay ku talo jirtay dhismaha biyo-xidheenka ugu weyn qaaradda Africa, waxaa Masar laga tumayaa durbaanka colaadda. Erayada laga guntay madaxdooda ayaa lagu tilmaamay fadiixaddii ugu foosha xumayd ee muddo dheer soo foodsaarta hoggaamiyayaal siyaasadeed. Ceebtana waxaa aan ka badbaadin xisbiyadda muxaafidka iyo mucaaridka.

Tiraabta Masar.
Moxamed Mursi, Madaxweynaha Masar: -“Waxaa innoo furan jid kasta oo arrinka lagu xakamayn karo. Waxaase ballan ah, haddii dhibic keliya iska dhinto webiga Niil, in aan u daadan doonno dhiig faro badan.”

Younis Makhyoun, hoggaamiyaha Xisbi diineedka Al-Noor oo ku guulaystay 25% barlamaanka dalka ayaa isaguna ku baaqay, “ha la hubeeyo Jabhadaha Oromo iyo Ugaadeeniya si loo wiiqo itaalka Ethiopia. Isla markaa waxaan ku talinayaa in ciidamada gaarka ah ee Masar loo xilsaaro inay soo burburiyaan biyo-xidheenka laga dhisayo Ethiopia.”

Ayman Nour, guddoomiyaha Xisbiga Ghad, una sharraxnaa madaxweyne ayaa ku taliyay, “ha la faafiyo warar been ah oo tibaaxaya in Masar soo iibsanayso dayuuradaha dagaalka ee cirka shidaalka ku kala qaata si loo baqe gelayo Ethiopia, loona joojiyo dhismaha biyo-xidheenka.”

Abu al-Cilaa Madi, hoggaamiyaha Xisbiga Al-Wasat ayaa isaguna ku dooday, “looma baahna in aan Ethiopia u la dirirno si fool ka fool ah. Waxay tahay in la hawlgelayo, Somaaliya, Djabouti iyo Eritrea. Waa in aad looga bajiyo Ethiopia si ay u oggolaadaan danaha Masar.”

Hamdeen Sabbahi, shakhsiyadda ugu tunka weyn mucaaradka, dhowaanna isu sharraxay xilka madaxweyne ayaa isuguna soo jeediyay in Gacanka Suez laga xidho dalalka ku lug leh dhismaha biyo-xidheenka sida Shiinaha iyo Talyaaniga iyo weliba Ethiopia. Waxaa uu carrabka ku dhuftay “dhibic kasta oo biyaha Niilka ah waxaanu ku gudi doonnaa dhibic dhiig ah.”

Pakinam el-Sharakawi, La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda ayaa ku qortay boggeeda Twitter, “shirkii dhowaan madaxweynahu isugu yeedhay awoodaha siyaasadeed ee dalka, loogana hadlay biyo-xidheenka Ethiopia, waxaa uu u qorshaysnaa si qarsoodi ah. Hase ahaatee, intii aanu shirku furmin ayaa Madaxtooyadu go’aansatay in si toos looga baahiyo telifishanka qaranka”. La taliyahu waxaa ay sheegtay inay iyadu ka gaabisay wargelinta madaxdii shirka joogtay. Eedda iyada ayaa kor ku xanbaaratay waxaana ay qirtay shirku inuu ahaa fadeexaddii sannadka.

Ethiopia, Maxay Ka Tidhi Colaadda Iyo Caga-Juglaynta Masar?

Ilaa hadda, Ethiopia waxaa ka soo yeedhaya erayo kooban oo aan ka tagganayn dublomaasiyad, deggenaan iyo bisayl siyaasadeed. Waxaa kale oo xusid mudan, Madaxweynaha Masar iyo ragga talada la wadaaga waxaa u jawaabay hablo afhayeenno ka ah wasaaradaha. Wakaaladda Wararka AP war ay 5tii June ka soo xigatay Getachew Reda, afhayeenka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxaa lagu sheegay in madaxda Masar horeba ugu fashilmeen in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Ethiopia. Afhayeenku hanjabaadda ka soo yeedhaysa Masar waxaa ay ku sheegtay in dhegahoodu u barteen kuwo la mid ah oo aan meelna gaadhi karin. Waxaana ay ku tilmaamtay “Riyo Dharaareed).

Sidoo kale, afhayeenka wasaardda arrimaha dibedda ee Ethiopia, Dina Mufti, ayaa iyana sheegtay in Ethiopia aanay u jixinjixi doonin dagaalka nafsaaniga ah ee ay Masar ku soo qaaday. Waxaana ay ku ladhay “dhismaha biyo-xidheenku ma hakan doono il-bidhiqsi keliya.”

Haddaba, bishii la soo dhaafay waxaa la dareemayay socdaalada madaxda Masar ku booqanayeen caasimadaha Geeska Afrika. Xukuumadda Moxamed Mursi oo aan weli gu’ jirsan waxaa soo food saaray arrin ugu muuqata inay waxyeelo ku keeni karto bud-dhigga nolosha Masar. Waxaa ay ka sii dayrinayaan haddi Ethiopia dhisto Biyo-xidheenka muranku ka abuurmay, in hoos-u-dhac 20% ku yimaado Biyaha Niilka oo daboola 97% baahida biyood ee dalka.

Madaxweyne Mursi waxaa uu si lama filaan ah ugu boqoolay Khartoum, Waqooyiga Suudaan. Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare, Hisham Qandil waxaa uu ka degay Jubba, Koonfurta Suudaan. Halka Wasiirka arrimaha dibedda, Moxamed Kamel Amr isaguna si kedis ah uu isaga xaadiriyay Muqdisho, Somaaliya isagoo Xamar u soo raray safaaraddii Masar ee Somaaliya horena u deggeneed Nairobi, Kenya. Waxaa kale oo dhowaan Xamar soo gaadhay wefdi heer sare ah oo ka socday ciidamada Masar. Wefdiga oo ay ka mid ahaayeen 2 janan waxaa ay soo gaadheen ilaa Beledweyn si ay u qiimeeyaan baahida dib u dhiska xoogga dalka Somaaliyeed.

Dhinaca kale, wafdi ka socday urur diineedka Al-Islaax ee Somaaliya ayaa ka degay Qaahira si ay u la kulmaan Murshidka Sare ee kooxda Ikhwan Al-Muslimiin ee hadda ka talisa Masar.

Socdaalada madaxda Masar ku galaa-bixiyeen Bariga Afrika ayaa lagu sheegay inay ku raadinayeen hiil iyo isbahaysi lid ku ah Ethiopia. Dr. Hamdi Abdel Rahman oo ah professor ku xeeldheer aqoonta siyaasadda iyo diraasaadka Afrika ayaa dedaalkan cusub ku tilmaamay “biyo col dhaanshay” iyo arrin ka soo dib dhacday xilligeedii. Professor-ku waxaa uu sheegay inay Masar muddo dheer ka maqneed saaxadda Bariga Afrika halkaasoo uu ka hirgelay isbedel siyaasadeed, mid dhaqan-dhaqaale iyo hoggaamin ka duwan tii Masar laga yaqiinay. Isbedelka waxaa sii xoojinaya kaalintu gobolku kaga jiro la dagaalanka argagaxisada iyo Islaamiyiinta xag jirka ah.

Waxaa soo kordhaya danaha reer galbeedku ka leeyahiin gobolka taasoo uu barbar socdo tartan Shiinahu ugu jiro inuu sed ka helo barwaaqada iyo shidaalka. Waxaa aan xisaabta ka maqnayn in K. Suudaan ka xarowday Waqooyiga iyadoo Masar si badheedh ah muddo dheer u hor taagnayd madax-bannaanidooda. Waxaa arrinka sii murginaya Somaaliya oo Masar weligeedba u adeegsan jirtay danaheeda oo maanta Somaaliland ka xadhig furatay iyo iskaashi dhinac kasta ah oo ay la yeelatay Ethiopia.

Intaa waxaa dheer, dhammaan dalaka uu ka tallaabo Niilku (marka laga reebo Masar iyo Suudaan) in ay si wadajir ah Entebbe, Uganda ugu wada saxiixeen heshiis lid ku ah kii ay kala saxiixdeen Masar iyo Suudaan, 1959. Heshiiska cusub waxaa uu dhigayaa dal kastaa inuu xor u yahay dhismaha biyo-xidheenno iyo inuu biyaha uga faa’iidaysto sida ugu habboon iyadoo aan wax talo ah dib loogu celinayn Suudaan iyo Masar. Koonfurta Suudaan ayaa iyaguna ku biiray heshiiska cusub iyagoo dhegaha ka furaystay deeq dhan $26,600 malyuun oo dollar oo Masar ugu yaboohday. Heshiiskii hore ayaa u dhignaa iyadoo aan lala tashan Masar iyo Suudaan in aan dalna biyaha ka fulin Karin wax mashaariic ah.
Kaalinta Somaalidu kaga jirto dagaalka biyaha iyo saadasha halka ay wax ku danbayn doonaan waxaad ka akhrin doontaa qaybta 4aad ee Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania
 

TOP

 

  




Leave a Reply