Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan SaxaafadeedXog-Ururin)

Qaybta 1aad. Armaa Webiga Niilku Ka Engagaa Masar? Cunto-Yarada adduunka

Waxaa laga sii digayaa burbur hor leh oo ku soo fool leh Afrika. Dunida waxaa soo wajahay cunto-yaraan. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada. Waxaana gabaabsi sii ah raashin dheeraad ah oo loo raro dalal kale. Dhinaca kale dalalka hodonka ah ayaa u hanqal-taagaya dhulka carro-sanka ah ee Afrika si ay uga beeraan midhaha looga baahan yahay dalalkooda sida gallay, sarreen iyo bariis.

Koonfurta kuuriya waxay soo waaridaa 70% raashinka ay cunaan. Dhowaanna waxaa ay 1.7 malyuun qooddi (acre) ka kiraysteen Suudaan si ay ugu beeraan sareenka dalkooda looga baahan yahay. Sucuudigu, isaguna, waxaa uu 25,000 qooddi (acre) ka qaatay Itoobiya si loogu abuuro bariis. Hindiduna, isla Itoobiya, waxaa ay ka ijaarteen dhowr boqol oo kun oo qooddi (acre) si ay uga beeraan gallay iyo bariis. Sidoo kale, Shiinaha ayaa dhul ballaadhan ka qaatay dalalka Kongo iyo Zambia si ay ugu abuuraan dhirta laga soo miiro tamarta shidaalka.

Dhulkaa shisheeyahu maal-gashaday waxaa uu halis weyn ugu muuqdaa dalka Masar oo markiisa horeba la luudayay kacdoon, xasilooni-darro, shaqo la’aan iyo wax-soo-saar xumo.

Masar waxay soo dejiyaan sarreenka ugu tiro badan dunida. Sannad kasta, waxaa laga cunaa in ka badan 18 malyuun oo ton. Sarreenkaa inta badan waxaa laga soo waaridaa dibedda. Weliba, xukuumaddu waxaa ay sannad kasta ku kabtaa lacag ka badan 2,000 malyuun oo dollar. Haddaba dadka oo boqolkiiba lixdan (60%) danayar yahiin waxaa noloshoodu ku tiirsan tahay ceeshka jaban ee laga farsameeyo sarreenka.

Sidaa darteed, xukuumadda Masar waxaa ay ka cabanaysaa qodaalka Itoobiya iyo Suudaan oo iyagu gacanta ku haya 75% ilaha uu ka soo burqado kuna faafo webiga Niilku. Run ahaantii, Masar waxaa ka taagan kacdoon aan weli sal-dhiggan. Waxaa cidhiidhi sii galay sidii miiska cuntada loo soo saari lahaa ceeshka. Ogow, haddii ceeshka la waayo waxaa hubaal ah in la waayi doono Masar, dawlad, dad iyo dalba.
Arki-Jire Doon
Dhibaatada waxaa sii ragaadinaya aragtida xukuumadda Masar oo aaminsan in lagu dhaqmo heshiis 1959 dhexmaray dalkeeda iyo Suudaan taasoo lagu heshiiyay 75% biyaha Niilka in lagu faruuro dalka Masar halka 25% loo qoondeeyay Suudaan. Xilligaa, labada dal waxba iskaga ma tirinayn Itoobiya iyo dalalka Afrikaanka ee Niilku ka soo rogmado. Dhammaan dalakaasi waxay ganafku ku dhufteen heshiiskaas oo aan iyaga waxba ka khusayn.

Sidaa darteed, Masaarido, waxaa ay raadinayaan waxii ay arki jireen (arki-jire doon), balse, waxaa ka maqan xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee maanta hortooda taalla. Aragtidaa gurracan waxaa la wadaaga, garabna u ah Xamar iyo Madaxweyne Xassan Shiikh iyadoo la wada og yahay itaal-xumada xukuumadiisa maganta u ah ciidamada Amisom oo ay laf-dhabar u tahay Itoobiya. Habeen ma jirto xukuumadda duulanka la ah Masar ee maanta ku hamiyaysa in ay dalka ka saaraan ciidamada Kenya iyo itoobiya.

Qoraal 26/01/1998 Allah ha u naxariistee, Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu u diray madaxda urur goboleedka IGAD ayaa marxuumku, isaga oo ka soo xiganayay warbaahinta Masar, waxaa uu ku sheegay inay Masar soo faro-gelisay arrimaha Somaaliya. Dulucda Faro-gelinta waxay ahayd in ay Baydhabo ku heshiisiiyaan qabqablayaasha dagaalka ee Somaaliya. Balse, ujeedada cad ee Masar waxaa ay ahayd heshiiska ka dib in ay hubeeyaan jabhadaha ka dibna si wadajir ah loogu duulo Somaaliland. Madaxweyne Cigaal qoraalkiisa waxaa uu ku sheegay Masar inay ku hawlan tahay colaad iyo dagaal ka dhex qarxa Somaaliya iyo Somaaliland. Runtii, waxaa. mar kale, muuqata Xamar iyo Qaahira inay dib u soo nooleeyeen rayidii dharaarta cad si loo wiiqo Itoobiya iydoo loo sii marayo burburinta Hargeysa.

Haddab, Masarida waxaa la gudboon, ugu horrayn, in ay indhaha ku kala qaadaan inay marti u yahiin 83 malyuun oo Itoobiyaan ah iyo 44 malyuun oo Suudaan ah kuwaasoo intii ay ka welweli lahaayeen halkii wax looga heli lahaa 81 malyuun oo Masaari ah uu xil ka saran yahay quudinta dadkooda. Isku darka tirokoobka saddex dal (Itoobiyaq, Suudaan iyo Masar) hadda, waxaa uu dhan yahay 208 malyuun. Hase ahaatee, Qaramada Midoobay (U.N) waxaa ay sii odoroseen 2025ka inuu kor u dhaafi doonto 272 malyuun, halka uu 360 malyuun uu ka gaadhi doono sannadka 2050.

Colaad aan marnaba dan u ahayn Masar waxaa lagu baajin karaa iyadoo si kalsami ah arrinka ay uga wada xaajoodaan dalaka uu ka soo rogmado Niilku. Isla markaana, si cadaalad ah in loo wada qoondeeyo saamiga biyaha iyadoo lala kaashanayo Qaramada Midoobay iyo Baanka Adduunka oo 1960 dhexdhexaadiyay heshiiska biyo-qaybsiga Hindiya iyo Pakistan.
Arrintu ma aha mid fudud marka aad ogaatid mawqifka Masar kaasoo sii hurinaya colaadda. Madaxweyne Maxamed Mursi dhowaan waxaa uu sheegay in aanay ka gorgortami doonin biyaha Niilka. Waxaana uu ku hanjabay haddii dalkiisu uu waayo dhibic ka mid ah biyaha inay u daadin doonaan dhiig fara badan.

Aragtida colaadda xanbaarsan ee xukuumadii Xusni Mubarik iyo tan Maxamed Mursi, fikirka xukuumadda Xassan Shiikh iyo Siro qarsoodi ah oo la daah-furay waxaad ka akhrin doontaa qaybta 2 ee Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.

Xassan Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac




Leave a Reply