“Cukuse Waa Masuul Loo Magacaabay Shaqo Uu Ehel U Ahaa, Waxaanan Odhan Karaa Waa Qofkii Ugu Haboonaa In Loo Magacaabo Shaqadan.”Axmed Xasan Cawke.

(SM-Hargaysa)Axmed Xasan Cawke Iyo Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka mid ah foolaadka saxaafadda Soomaalida isla markaana muddo dheer ka soo shaqaynayay laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyay Magacaabista madaxweynaha Somaliland uu xilka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland u magacaabay Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Labadan Suxufi ee waaweyni waxay sidaasi ku sheegeen mar ay maanta u waramayeen shabakaddaSomaliland.Org, waxaanay Wasiir Cukuse ku sifeeyay masuul loo doortay shaqo uu ehel u ahaa.

Axmed Xasan Cawke oo ka hadlayay magacaabista Wasiir Cukuse waxa uu yidhi “Waan hambalyaynayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaan masuul loo magacaabay shaqo uu ehel u ahaa. Waxaan odhan karaa waa loo dooray-ba. Waa qofkii ugu haboonaa in loo magacaabo shaqadan.”

“Waa nin Suxufi soo ahaa muddo dheer, Afhayeen dawladeed soo noqday, Wasiir Ku xigeen ka noqday Wasaaraddan imika Wasiirka Looga dhigay. Markaa sidan oo kale waad ku farxaysaa markaad aragto shaqo loo magacaabay qof ehel u ahaa,”ayuu intaas raaciyay Axmed Xasan Cawke.

Mr. Cawke oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Bal ka waran haddii Aniga la ii magacaabo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, dee maxaan ka garan-ba? Maba aqaanee. Waxaan qabaa inuu yahay nin fahmi kara shaqadda Saxaafadda oo fahmi kara baahiyahooda.”

Sidoo kale, Cabdisalaan Ibraahim Hereri ayaa isaguna bogaadiyay Wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inuu u rajaynayo inuu xilkan ILAAHAY u fududeeyo.

“Waxaan Wasiirka cusub u soo jeedinayaa inuu ku dedaalo sidii is-faham looga gaadhi lahaa cabasho badan oo beryahan dambe ka soo yeedhaysay saxaafadda madaxa-banaan, waana Wasiirkii ku haboonaa ee arrimahaasi wax ka qaban lahaa,”ayuu yidhi C/Salaan Ibraahim Hereri.

Mr. Hereri waxa uu sheegay in Wasiirka cusubi uu yahay nin waayo arag ah oo saxafi ah isla markaana wax badan ka yaqaana hanaanka ay u shaqayso saxaafadda caalamiga ahi.

Salaanmedia/Hargaysa