Daawo Sawirada Sargaal Al-Shabaab katirsan isaga oo dhaawac ah la qabtay lana soo Bandhigay Magaciisa

Coll khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland ayaa Ka hadlay Sarkaal sare oo Al Shabaab Ka tirsana una qaabishanaa Gobalada Puntland.

Waxa uu sheegay wasiirkaani in uu ahaa Madaxa Amniyaadka Shabaab ee gobaladaasi maalin ka horna ay qabteen ciidamada amaanku.

Coll Khaliif ayaa ku sheegay Magaca Ninkaan Cabdikaafi Maxamed Cali Kaas oo da’disu ku tlmaamay qiyaastii 25-sano jir.

Markii Ciidamada Amaanka ee Gobalka Bari ay Gacanta ku dhigayeen Sarkaalkaas Katirsan Al Shabaab ayey kala Kulmeen Qabashadiisa Iska Caabin xooggan.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in Cabdikaafi Maxamed Cali laga Diray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya si uu u qaso deegaankaasi.

Wasiirkaan ayaa waxa uu ku goodiyay in ay sii wadayaan baaritaanda ilaa ay ka soo helayaan Rag kale oo katirsan Al Shabaab kuwaas oo la Rumaysanyahy Inay ku Suganyihiin Gudaha magaalo Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia
Muqdisho Somalia