Daawo Sawirada Shiikh Xassan Daahir oo Fuulaya Diyaaradda u Qaaday Magaalada Muqdisho Asagoo Maxbuus ah!!

image

image

Shiikh Xassan Daahir iyo siyaasiyiin Beesha Habar-gidir ah oo dhawaanahaan ka dhaadhicinayay in uu Muqdisho soo aado iyo madaxweynaha maamulka Xibin iyo Xeeb oo isagu ahaa ruuxii ugu horeeyay ee magan-galyada siiyay kadib markii uu isa soo dhiibay Ayaa Galabta Maqribkii Kasoo dagay Magaalda Muqdisho .
Sawir qaade ku sugan Garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa shabakada Allbanaadir u soo diray Sawiro qaaas ah Kuwaasi aad ka dheehankarto xasan Daahir Aways oo Si Caadi ah diyaraadda u Fuulayo Maadama Shacabka Soomaaliyeed ay aaminsanaayeen In La Xirayo Inta Uusan Fuulin Diyaraadda .

Xassan Daahir oo waayihii danbe kamid ahaa saraakiisha Shabaab ee dhaliila Axmed Cabdi Godane ayaa kadib markii uu naftiisa u baqay waxa uu doon uga soo baxsaday Baraawe isaga oo isu dhiibay maamulka Ximin iyo Xeeb oo uu hogaamiyo nin ay kawada tirsanaa jireen urur diimeedkii Aqwaan Muslimiin, waxaana la filayaa in isasa soo dhiibitaankiisa uu wax badan ka bedelo dagaal diimeedka Soomaaliya ka jira oo xiligaan maraya meel qatar ah.

Lama oga halka uu ku danbeyn doono aayaha Xassan Daahir Aweys maadaama dowladu aysan wali cadeysan sida ay ka yeeli doonto, iyada oo ay xusid mudantahay in dowlada mareykanku ay codsatay in gacanteeda la geliyo maadaama uu kamid yahay dadkii ay ku dartay liiska argagaxisada sanado kahor inkasta oo markii danbe laga qaaday.

Salaanmedia/Mogdisho