London 8Jun13 (SM) Banaanbax balaadhan ayaa maalintii shalay iyo maanta oo Sabti ah ka soconaaya safarada South Africa ku leedahay magaaladda London,Waxa soo buux dhaafiyey dad Soomaali ah oo ka kala yimid dhamaan daafaha dalkan Ingiriiska.
Badhtamaha magalada London ee cariga Ingriiska,banaanbaxan oo ay ka soo wada qeybgaleen dadweynaha afka Somaliga ku hadla sida (Djibouti,Somaliland ,Kililka Shanaad ee Ethiopia , Somaliy iyo dadweyne ka soo qeybgaley banaanbaxa ayaa waxaay siteen boodhadh ay ku mujinayaan dareenkooda Cadhada badan iyo sida ay uga xun yihiin xasuuqi foosha xuma ee ka dhacey dalka South Africa maalmihii la soo dhafey.
Waxaa mudo aad u dheer ka socdey wadanka South Africe dilal iyo dhac lagu hayo qofkasta oo loo garto inuu ka soo jeedo qomiyada somalida.Arintani waxaay sababtey dhimasho iyo dhac fara badan oo sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka danbeysa .iyada hada wadooyinka lagu ugaadhsanay.
Dadweynaha maanta banaanbaxayey ayaa dawlada South Africa u gudbiyey warqad ay ku weydiinayaan sababta keentey in dadka somalida lagu weraro dalkooda kana codsadey in ay cadeeyaan sabata keentey in dilalka foosha xun wax uga qaban waayey dawlad ahaan iyo in ay soo baadhan waxaa keeney colaada fog ee dadka reer south Africa u hayaan somalida ku nool dalkooda
Waxa ugu danbeystii safaarada South Afrika ay ku leedahay London ayaa isugu yeedhay saxaafadda Soomaalida iyo qaarkale oo caalami ahba waxayna u qaybisay waraaqo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin wixii ka dhacay South Afrika iyo dhibaatada dadka Soomaalida ah loo geystay. Waxa iyana jirtay in qaar ka mid ah dadkii soo abaabuley banaan- baxu ay cadho ka muujiyeen in safaarada gudaha loo galo oo ay ku tilmaameen mid aanay jeclaysay tasoo markii danbe la dhameeyey, Waxa maanta oo Sabti 8.6.13 ah la rajeynayaa in dadka reer UK ay marlabaad safaaradda ka sameyn donaan mudaharaad kii shalay ka balaadhan.
Salaanmedia/London