Daawo Sawiro..Kulankii xalay ee qadhaanka loogu ururinaayey mujaahidiintii ku waxyeeloobay halkankii SNM oo xalay London ka dhacay.29.6.13

Kulan aad u balaadhan oo ay soo abaabuleen URURKA SAMAFALKA MUJAAHIDIINTA SNM oo ay kazoo qaybgaleen dad aad u farabadan oo ka kala yimid bulshada noocayadeeda kala duwan. Waxa kaloo kazoo qaybgalay qaar ka mid ah Mujaahidintii SNM oo uu uGu horeeyo Maxamed Kaahin Axmed,Safiirka Somaliland Cali Aadan Cawaale .Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen,odayaal ,Aqoonyahan,Haween,Dhalinyaro iyo  dadkale oo aad looga qadariyo Somaliland.

Kulankan oo ku saabsanaa sidii loo caawin lahaa Mujaahidiintii ku waxyeeloobay halgankii SNM ee looga soo horjeeday xukumadii Maxamed Siyaad Bare,Waxa ka hadlay dad aad u farabadan oo ay ugu horeyaan madaxdii SNM oo kulanka goobjoog ka ahaa. URURKA SAMAFALKA MUJAAHIDIINTA SNM oo ahaa ururkii ku hawlan hawlaha caawinta ayaa madasha kusoo bandhigay Video iyo warbixin tilmaamaysa dhibaatada ay ku sugan yihiin,Wixii ay soo qabteen iyo waxa loo baahan yahay waxayna shacabka reer Somaliland ka codsadeen inay caawin siyaan dadkooda halganka dheer usoo maray.Waxa kale oo ka hadlay Mujahid Maxamed Kaahin oo isna warbixin dheer oo ku saabsan halgankii SNM xaaladahii ay soo mareen iyo xaalada guud ee Somaliland waxkhtiganba,waxaanu kula taliyey in shacabku caawimo u geystaan caawinta Mujaahidiintii SNM,Waxa kale oo kasoo qaybgashay Sahra Halgan oo ahayd Mujaahidad qayb weyn kasoo qaadatay halkankii SNM waxayna madasha kusoo bandhigtay heeso qiiro xanbaarsan oo ka turjumaaya halkankii SNM, Waxa kaloo madasha hadalo aad u qiimo badan kasooo jeediyey madax farabadan oo ka socda bulshada reer Somaliland iyo mujaahidiin halgankii qayb weyn ka qaatay.

Waxa ay kusoo dhamaatay si aad u qurux badan oo shacabkii kazoo qaybgalay ee reer Somaliland ay balan ku qadeen inay cawin donaan Mujaahidiinta

ku dhawacantay halkankii SNM,Waxa kale dad kulanka joogay ay ku yabooheen dhul, iyo dhaqaaleba,Waxa kale oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyey Tvga qaranka Somaliland,HCTV iyo Wariye Xamse Axmed Salaan oo ah tifatifaha shabakada Salaanmedia.com.

Waxa inagu waajib ah in aynu kaalmo ka gaysano khabarucaadka  noocan oo kale ah laguna tageero ururada hawlaha noocan oo kale ku hawlan si bulshada dalkii ku nool ee u baahan waxqabal loogu adeego.

Salaanmedia/London