Daawo Video..Qaar Ka Mid ah Jaaliyada reer Somaliland Ee Dalka Norway Oo Fariin U Diray Raga Ku Hirdamaya Jubaland Somaliya.

Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Norway Mr.Maxamed Maxamuud Aadan iyo shacab kale oo ka soo jeeda Somaliland ayaa ka hadlay fikrad ahaan sida ay la tahay dagaalada ka qarxay magaalada Kismaayo.

Shacabkaan oo nabad deg deg ah ku baaqay waxa ay sheegeen inaysan macquul ahayn in xoog wax lagu radiyo ka dib 22 sano oo Soomaali ku soo dhex jirtay dagaal sokeeye. 

” Ninka u ordaya xiligaan dagaalka ee ku doonayo inuu kursi ku fuulo dad uu dilay dartood waxaan odhan lahayn nabada ka shaqee,Waxaana jirtay maah-maah tidhaahda, dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta…sidaa waxaa yidhi Mr.Maxamed Maxamuud Aadan ”

Waxa iyana ka hadlay qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland oo rayigooda ku cabiray in waxa ka socda Kismaanyo ay tahay khalad oo xiligan aan dagaal loo baahnayn ,uguna baaqay inay miiska wada hadalada fadhiistaan oo wanaag ku dhameeyaan.

Salaanmedia/Norway