Daawo VIDEO:Telefishanka Aljazeera Oo Barnaamij Ka Diyaariyey Dhul Boobka Tijaarta Reer Galbeedku Ku Hayaan Afrika.

 Daawo VIDEO:Telefishanka Aljazeera Oo Barnaamij Ka Diyaariyey Dhul Boobka Tijaarta Reer Galbeedku Ku Hayaan Afrika.

 

Barnaamijku wuxuu ku saabsana sida tijaarta iyo dilaaliinta dalalka reer galbeedku ay uga shaqeeyeen sidii ay dalka Koonfurta Sudan xornimo uga heli lahayd………

Arrinta cajiibka leh ee barnaamijkani ka dhex muuqata ayaa ah in nin Bilyaneera ah oo dhalashay dalka maraykanka magaciisana la yidhaa Phil Helberg oo ka mid ahaa ragii qaybta libaax ka qaatay in koonfurta Sudan ka go’do Sudan si uu dantiisa uga fushado ayaa waxaa u imanaya mar nin Dilaal ah oo ay is dhaafsanayaan baayactan dhuleed wuxuuna ku odhanaya Dilaalku Phil Berg “inteed ka shaqaynaysay hawlaha shiidaalka iyo macdanta, wuxuuna ugu jawaabay anigu waxaan ku jiray noloshayda oo dhan, laakiin waxaa jira dad nala shaqeeya oo ilaa 35 sanno ku jiray” dabadeed ninka Dilaalka ah ayaa ku odhanaya “ka waran waxaan ku

haya dhul weyn oo qanni ku ah macdanta loo yaqaan (copper) dalka Kenya.

Dabadeed ninkani taajirka ah ee Phil Berg ayaa ku jawaabaya “maya Kenya dooni maayo waxaan doonaya halkani Koonfurta Sudan ama Somaliland, haddii aad ka hayso diyaar ayaan u ahay.

Ninka Dilaalka ah ayaa u sharaxaya Phil dhulkaasi haddana Phil ayaa ugu jawaabaya “dhulkaad ka hadlaysa ma Somaliland ayuu ku yaalla” Dilaalka ayaa ku jawaabaya “maya waa Kenya” dabadeed Phil ayaa ku odhanaya “Maya Somaliland ayaan aad u xiisaynaya.