Dalada Sonyo oo Xukuumada ugu baaqday Wax ka qabashada Shabakad isku xidha Dhalinta Tahriibaysa oo dalka ku sugan

Hargaysa 18.June (SM) Tahriibka dhalinyarada JSL ayaa noqday masiibo qaran oo haligta dhalinyarada JSL qarnigan 21aad. Dhalinyarada JSL oo war-war ka qaba dihnaanta mustaqbalka, leeleel iyo ladnaan midkuu u sido, iyo waayaha mustaqbalku ku qaabili doono dalkooda hooyo, ayaa raxan raxan maalin walba uga suudala dalka, una badheedha saxare kulayl badan oo baaxad leh iyo badweyn aan lahayn geed la cuskado. Waxa sii kordhaya qul-qulka dhalinyarada tahriibaysa, una suudalaysa dhul iyo gayi ayna xoq badan ka haynin, iyaga oo miidaaminaya noloshooda.

 

Warsaxaafadeedkan oo uu Soo Saaray Gudoomiyaha Dalada Sonyo ee Heer Qaran Mubaarik Ismaaciil Taani ayuu ku Sheegay in Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO, oo wal-wal iyo walaac balaadhan ka qabta tahriibka dhalinyarada dalka JSL oo sii kordhaya oo gaadhay heerkii ugu sareeyey ee abid uu gaadho tahriibku, waxay tacsi tiiraanyo iyo murugo badan leh u diraysaa dhalinyarada JSL iyo qaranka dhammaantii, gaar ahaan waalidkii ubadkoodii ku haligmeen doonyaha dhawaan qarqoomay. Waxaanu leenahay dhalinyaradu waa xoogii iyo dhuuxii dalka, geeridooduna waa laf-jabkii dalka hooyo.

 

Korodhka tahriibka iyo sibiq dhaqaaqa dhalinyarada JSL oo halacsanaya nolol dhalaan habaabis iyo dhalanteed ah, waxa qaybta ugu wayn ka qaatay shabakad aboolayaal ah oo tahriibiya dhalinyarada, kuna macaasha surmiga iyo shalaqsiga dhiiga dhalinyarada iyo ilmada ka tif leh waalidkii dhalay. Waxaanu ku baaqaynaa:

1. In Xukumada JSL gacan bir ah ku qabato, xididadna u siibto, waxa ka hadhay inta la qabqabtay mooyee, shabakadaha aboolayaasha ah ee tahriibiya dhalinyarada JSL, oo ah shabakado dambiilayaal ah oo ku macaasha geerida iyo diihaalka dhalinyarteena. Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO-yana waxa ay gacan buuxda ku siin doontaa arintan dawlada sidii ay horeba u siisay, si loo xaqiijiyo cidhib tirka shabakadahan.

2. In Xukuumada JSL iskaashi dawliya kala samayso dalka Ethiopia cidhib tirka shabakadahan tahriibiya dhalinyarada wixii ka baxsan xuduudka JSL.

3. In waalidku ka warhayo waxa laabta ubadkooda kohanayso, wacyi fiicana ka siiyo khatarta dhabta ah ee tahriibta, ka hor intaanu ilmuhu u xadhko xidhan tahriib.

4. Waxaanu ugu baaqaynaa dhalinyarada JSL in ay ka dhawrsadaan khatarta Tahriibka.

5. Waxa kale oo aanu ku boorinaynaa Shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland in dhan looga soo wada jeesto bad-baadinta dhalinyarada JSL.

Salaanmedia/Hargaysa .

Â