Dawlada Somaliya Iyo Norway Oo Kala Saxeexday Xidhiidh Diblomaasiyadeed.

June 27,2013 Muqdisho(SM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ah ee Norway Mr. Heikki Holmes.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Suleyman iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha iyo Wasiirka Norway ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii Norway ay uga qeyb-qaadan laheyd dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka Norway iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa warbaahinta hortooda ku kala saxiixday heshiis labada dal ah oo lagu soo celinayo diblomaasiyaddii labada dal iyo inay iskaashi ka wada yeesheen dib u dhiska Soomaaliya.

Shir jaraa’id ayuu madaxweynahu ku yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsan tihiin in  Mr Holmes uu yimaado Muqdisho, tasoo tuseysa sida dalka Norway ay uga go’antahay in xidhiidhkii labada dal la soo nooleeyo oo heshiiskii maanta uu calaamad u yahay in Soomaaliya ay maanta si siman heshiisyo diblomaasiyadeed ula saxeexanayso waddamada horey u maray. Waxaan kaloo uga mahadcelinaynaa Norway geesinimada dheeraadka ah oo ay si toos ah  ula shaqeyneyso dowladda oo ay si toos ah ugu soo gubinayaan kaalmadooda ku wajahan dib-u-dhiska dalka.”

Madaxweynahu waxuu ka codsaday beesha caalamka inay ku daydaan Norway oo ay si toos ah ula shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u sahlanaato in adeegyada bulshada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Salaanmedia/ Muqdisho