Dawladda Ingiriiska Oo Ka Noqotay Go’aan Ay Hore Uga Qaadatay Kalsoonida Ammaanka Somaliland

Dawladda Ingiriiska Oo Ka Noqotay Go’aan Ay Hore Uga Qaadatay Kalsoonida Ammaanka Somaliland

June 2, 2013 Addis Ababa(SM)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in Dawladda Ingiriiska ka noqotay go’aan ay hore uga qaadatay kalsoonida ammaanka Somaliland oo ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u socdaalaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal ku joogaan Xarunta Ethiopia ee Addis Ababa, ayaa sheegay inay dawladda Ingiriisku dib u qiimaysay Xaaladaha Amni ee socdaalka Somaliland, isla markaana ay ka noqotay go’aankeedaas hore.

Wasiirka Daakhiliga oo heshiis xoojinta Ammaanka Somailand ah magaalada Addis Ababa kula saxeexda ku-xigeenka Safiirka Dalka Ingiriiska ee Addis Ababa, Mr Chris Allen, waxa uu sheegay in warka wax-ka-beddelka go’aankii ay dawladdaasi hore uga qaatay Somaliland uu ka helay Safiirka Ingiriiska Mr Greg Dorey oo weftiga Wasiirka ku qaabiley qado-sharaf maamuus leh ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska.

“Safaaraddu waxay qirtay in wax ka bedeel lagu sameeyey dhawaaqii ka soo yeedhay dawladda Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta iyo diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland,”ayuu yidhi wasiir Duur oo ka hadlayey wax ka bedel lagu sameeyey digniintii Ingiriisku hore ugu sheegay inay suurto-gal tahay falal amni-darro oo muwaadiniinta reer Galbeedka ah lala beegsado.

Dhanka kale, Wasiirku waxa uu ka warbixiyey heshiisyada ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Britain, waxaanu yidhi, “Waxaanu kala saxeexanay laba heshiis, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda, iyada dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho baasaboorrada foojariga ah, waxaana loogu deeqay qalab, dhismayaal iyo lix Baabuur.”

“Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus, waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan,” ayuu yidhi Wasiir Duur.

Wasiir Arrimaha Gudaha waxa madasha heshiiska lagu kala saxeexday ku wehelinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro).

Salaanmedia/Hargaysa