DEG DEG. Mas’uuliyiin uu Hoggaaminaayo Madaxweyne Xassan oo ku qulqulaayo Xeradda Xalane (Warbixin).

newsflash1

Wararka naga soo gaadhaya Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ammaanka inta u dhexeysa Madaxtooyadda iyo Xalane aad loo adkeeyay kadib markii Madaxweyne Xassan la sheegay inuu ku wajahan yahay Xeradda Xalane.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu socdaal ku tagi doono xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho iyadoona la sheegay inuu halkaasi kulan kula qaadan doono Safiiro ka socda Midowga Yurub.

Kulanka oo hada ka socda xarunta xalane wariyeyaasha ay banaanka ka joogaan ayaa wuxuu hada si toos ah udhexmaraya safiiro gaaraya ilaa 18-safiir oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha guddiga siyaasada iyo amniga ee Midowga Yurub.

Kama soo bixin Faahfaahin dhameystiran, waxaana banaanka lagu celiyay Wariyayaasha, iyadoona Ammaanka uu yahya mid aad u adag.

Madaxweynaha Soomaaliya kulankiisa waxaa ku wehliya Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka gaashaandhiga.

Ugu dambeyntii, Midowga Yurub ayaa Soomaaliya wuxuu ka taageera dib udhiska ciidanka xooga dalka iyo horumarada kale ee Dowladda ay haminayso.
Lasoco wixii wararkeena dambe wixii faahfaahin ah.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com

Mogdisho