Dowladda Kenya oo sheegtay inay kordhinayso Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya.

Kenya ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso saraakiisha ciidamada dalka Soomaaliya si ammaanka magaalooyinka muhiimka ee Soomaaliya loo sugo, iyadoo Kenya ay cadaysay inay xoojinayso Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya.

Nairobi4_01
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee ka midka ah taliska AMISOM kuna sugan Soomaaliya ay sii wadi doonaan qaabkii ay Soomaaliya Nabad uga dhalin lahaayeen.

Dalka Kenya ayaa weerarada ka dhacaya Soomaaliya ku sheegtay kuwa ku yimaada xil iska saarid la’aan sugida ammaanka Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ay dowladda Kenya soo saartay ayaa si buuxda loogu dhaleeceeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Qaramada Midoobay UNDP ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho, waxayna Kenya sheegtay inay la qeybsaneyso dhibaatada Ehelada dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi.

Dhinaca kale Kenya ayaa ka wal walsan dhibaatooyinka ammaan darida ee ku sii baahaya Soomaaliya, waxayna ka murugooneysaa geerida shaqaalaha Ajaanibta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta UN-ka Muqdisho.

Salaanmedia/Mogdisho