Dowladda Maraykanka oo dalbatay in loo soo gacan geliyo Horjoogaha baxsatka ah ee Xasan Daahir Aweys

Wasaarada arimaha dibada xukuumada Itoobiya ayaa soo dhaweysay gacan ku soo dhigista hogaamiyihi hore kooxda Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys maalmo kadib markii uu isaga oo ka soo baxsaday magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose kadib markii uu magaladaasi ka dilaacay dagaal u dhaxeya xarakada Al-Shabaab.
US_state_department_772613978
Wasarada ayaa bayaan ay soo saartay ayna soo dhigtay barta internetka ay ku leedahay ayaa waxa lagu yidhi in hada maamulka Ximin iyo Xeeb ay kala xaajonayaan xukuumada Soomaaliya iyo dhinacyo kale sida laga yeli lahaa mustaqbalka dambe ee Xasan Daahir Aweys kaasi oo lagu tiriyo inuu yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Al-Shabaab.
Wasarada Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa hadalkeeda intaa waxa ay ku dartay in madaxweynaha wadanka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xaqijiyay in Xasan Daahir la keenayo Muqdisho si loo maxkamdeeyo, sidoo kale wasarada arrimaha dibada Itoobiya ayaa waxa ay tilmaantay inay jirto .
Dhinaca kale warbixino kale oo cadeenaya in Maraykanka uu dalbaday in gacanta loo soo galiyo marka loo eego isagoo horey ay dowladaasi ugu dartay liiska argagexisada ee dadka uu doon doonayo Maraykanka tan iyo bishi November sanadii 2001-dii.

Salaanmedia/Hargaysa