Dowladda Somalia oo u ergeysey dawlada Britain ka dib xayiraada la saarayo Xawaaladaha Somalida.

(SM) Kadib markii bangiga Barclays ee dalka Britain uu shaaciyey in uu xidhaayo akoonada xawaanadaha Soomaaalida ku leeyihiin bangigagaasi ayaa dowladda Soomaaliya arrinka soo dhexgashay.

news-image1

Sida uu sheegey agaasimaha bangiga dhexe Cabdisalaan Hadliye, dowladda Soomaaliya waxa ay dowladda Britain ka codsatay in go’aankaasi wax laga badalo maadaamaa joojinta xawaaladaha uu saameyn xun ku yeelanayo illaa 2 milyan oo qoys oo ku tiirsan biilalka Britain looga soo diro.

Waxa uu sheegey in lacagaha laga soo diro Britain ay gaadhayaan rubuc ka mid ah daqliga dalka soo gala, waxana uu intaasi ku daray in ay ka dhigantahay in xididkii nolosha laga jarayo dadka.

Barclays waxa uu ku doodayaa in lacagaha la mariyo bangigani lacaga yaabo in ay gacanta u galayaan kooxo argagisixo, hadhoowna dhibaato oga iman karto iyaga oo lagu dacweyn karo qaanuun ahaan.

Dhanka kale illaa boqol qof oo samofalayaal iyo cilmi baadhayaaal ku foogan arrimaha Soomaaliya ayaa saxiixay warqad wadajir ah oo ay u direen dowladda Britain iyaga oo kaga codsanaya in go’aankaasi wax laga badalo.

Bangiga HSBC ee dalka Britain ayaa isaga xidhay akoonaddii ay xawaaladaha ku lahaayeen bangigaasi.

Salaanmedia/Mogdisho