Falkii Ay Ku Kaceen Ciyaartoygii Gobolka Tog-dheer Waxa Uu Fool Xumo Ku Yahay Dhamaan Somaliland ,Gaara Ahaan Reer Tog-dheer By:Cabdi Jaaquur

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland, gaar ahaan waxaan salaan gaara u soo dirayaa shacabka ku nool gobolka Togdheer ee ay wiilashoodii ay ceebta u soo jiideen, waxaan kale oo aan salaamayaa warbaahinta qaranka iyo ta gaar loo leeyahay ee ka shaqaysa dalka gudihiisa iyo debediisa ee shacabka ka haqabtira wararka dalkii hooyo.

Waxaan maanta qalinka iyo waraaqda u qaatay inaan wax ka qoro dhacdadii ka foosha xumayd ee ka dhacday Hargeisa iyo tartankii ciyaaraha gobolda Somaliland, dhacdadaas oo aad uga cadhaysiisay dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan dalka gudihiisa iyo debediisa, waxaan dareenkaa cadhada ah aan laqabaa shacabka arintani ay ka cadhaysiisay, waxaa aniga ii gaar oo aan dheerahay shacabkaa waayo? anigu waxaan ka mida ahay guud ahaan dadka degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Togdheer, waxaan kaloo aan ka mid ahaa ciyaartoygii hore ee ku ciyaari jiray magaca gobolka Togdheer waqtiyadii 70aadkii iyo 80aadkii.

 

Waxaan aad uga xumahay falkaa halkaa ka dhacay, waanan cambaaraynayaa waxaan leeyahay ficilka aad ku kacdeen maaha mid meel ku leh dhaqanka ciyaaraha, waana mid ceeb gaara ku sii ah dadka aad magacooda ku ciyaaraysaan ee reer Togdheer, WAANA DHAQAN XUMO AAD U HORSEEDAYSAAN DHALINYADA IDINKA YARYAR EE AAD U NOQON LAHAYDEEN INAY IDINKU DAYDAAN.

 

 

Waxaan kale oo aan halkan kelmed kale uga soo jeedinayaa dadka waaweyn ee arintan lugta ku walaaqaya ee dhalinyarada ku guubaabinaya fool xumada iyo kala qaybsanaanta iyaga oo doonaya dano gaar ah oo ay iyagu leeyihiin inay ku fushadaan inay ka daayaan waxa ay u laqimayaan dhalinta, waxaa ka codsanayaa inay ku guubaabiyaan dhalinyarada xumaha ay leeday qabyaaladu.

 

 

Haddii aan inyar ka taabto wakhtigii aanu aniga iyo dadkale oo ciyaari jiray xilligii iga horaysay aniga iyo qaar iga dambeeyeyba meel naguma lahayn dhaqanka QABYAALDU dadkii hablaha iyo wiilashaba lahaa ilaa iyo hadda oo aan ninweyn ahay qaar badan ayaanan qoladooda garanayn, ilaa imika waxaanu leenahay xidhiidh wanaagsan meelkasta aan kala joogno, waxaana noo qorshaysan dhawaan inaanu TV-yada baaq uga soo jeedino dhalinyarada reer Togdheer.

 

Wasaarada ciyaaraha oo uu hormood u yahay wasiirka waxaan ku canaananayaa habkii ay xalka moodeen markii ay maqleen kala qaybsanaanta dhalinyarada gobolka Togdheer, waxaa dhaantay inay ka mamnuucaan ka qaybgalka ciyaaraha gobolada ilaa iyo inta ay diyaarsanayaan reer Togdheer team caafimaad qaba oo ka fayow xanuunka qabyaalada.

 

Guntii iyo gabagabadii waxaan baaq u soo jeedinayaa dhamaan waxgaradka iyo aqoon yahanka ka soo jeeda gobolka Togdheer gudo iyo debedba Burco waxaa gabay dadkeedii, qaybi waxaay ku kala faaftay qurbaha oo waxba dib ugu may celin gobolkeedii,

qaybina oo aan odhan karo waa intii wax haysaysatay ama oqoon ay xafiisyo kaga shaqeeyaan lahaa Hargesysa ayey uga diga rogteen oo danba kama laha waxaa ka soconaya gobolkoodii, waxaan dadkaa ku waaninayaa  inay wax ka qabtaan dhibka qabyaaldeed ee ka soo socda dhalintoodii ama lagu soo korinayo.

 

Waxaan baaq kale u soo jeedinayaa dhamaan dadkii ahaa ciyaartoygii hore ee gobolka Togdheer meel kasta oo ay qurbaha ka joogaan

inay is abaabulaan si ay wax ugu celiyaan dadkoodii haday wax qabad tahay iyo haday wacyi gelin tahayba, waxaa ka codsanayaa

 

 

ciyaartoygii hore ee reer togdheer cidii baaqaygan maqasha ee doonaysa inay ila soo xidhiidhaan hoosta ayaan E-mailkayga ku qorayaa ee haygala soo xidhiidhaan. Waxaan ugu ducaynayaa dadka reer togdheer in beerkooda burcad isu mariyo oo ay kaalintii iyo sumcadii ay dalka ku lahaayeen dib u soo ceshadaan.

 

 

Wasalaama calaykum

 

Wabilaahi towfiiq

Qalinkii CABDI JAAQUUR

         UK BIRMINGHAM

abdijaaquur@yahoo.co.uk