Fashilaada Ku Timid Xulkii Gobolka Togdheer Waxa Masuul Ka Ah Masuuliyiinta Togdheer Ee Maamulka Ciyaraha.

Fashilaada Ku Timid Xulkii Gobolka Togdheer Waxa Masuul Ka Ah Masuuliyiinta Togdheer Ee Maamulka Ciyaraha.

b0c851460bf67fdf42b3c39dece8846d_L

Anigoo ah Aqoonyahan jamac jiir waxaa wax laga xumaado ah fashilaada ku timid xulkii Gobolka togdheer ee u xilsaarnaa xulsta ciyaaraha,kuwaas oo ku fashilmay hanaankii loo xulayay xulka matalaya Gobolka Togdheer, taas oo meel ka dhac iyo sumcad xumo ku ah Gobolka taariikh madaw oo dhinaca ciyaaraha ahna u soo hoyatay,taas oo ay masuuliyadiisaba dusha u ridanayaan masuuliyiinta ciyaaraha ee Gobolka kuwaas kuwaas oo aan soo xulin ciyaartoydii saxda ahaa ee looga bartay ciyaar wanaaga balse ay soo xuleen ciyaartoy beelaysan.

Ma ay odhan masuuliyiinta ciyaaruhu yaa ku fiican booskaas in uu ka ciyaaro oo loo masoo xulin ciyaartoydan khibradooda ciyaareed ,laakiin waxa loo soo xulay ina hebel oo miidhan taasna waynagaa aragna natiijadeedii maanta oo ceeb aanu gobolku ku lahayn dhinaca ciyaaraha maanta ku dhacday.

 

 

Qalikii:Aqoonyahan Jaamac Jiir