Feysal Cali Waraabe oo shaaciyay in dhalinyaroodii ay u soo hayaameen Muqdisho iyo Sababta ku kaliftay arintaasi

news
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe, oo ka hadlayay kulan looga arinsanayay ka hor tegidda Tahriibka oo ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Xarunta maamulka Somaliland ayaa waxa uu shaaciyay in dhalinyaradiii wax baratay ee degaankaasi in ay Muqdisho u soo hayaameen.

Feysal Cali Waraabe ayaa waxa uu yiri, “Kuwa tahriibaya ee badaha ku dhamaanaya ayaa danbiga la saaarayaa Arintaasi waa qalad, Maamulka Siilaanyo ayaa qaladka leh Iyaga ayaan abuurin wax shaqo ah oo dhalinyardu ay ku ilaawaan Tahriibkaasi oo danta marka horaba loo aadaahi ay tahay in qarash laga helo”.

Waxa uu Intaa Raaciyay, “Muqdisho ayaa dhalinyaradeenni u yaacday Muqdisho Ma Yurub baa? Maya! ee Shaqo ayeey u doonteen markii ay halkaan ka waayeen wax shaqo ah, Dhaliisha ugu weyn waxaa leh Xizbiga Kulmiye Waxaana Leeyahay Dhalinyradada Xisbiga Kumliye wuu tegayaaye adinku Tarhiibka Joojiya”.

Feysal Cali Waraabe oo ah hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa waxa uu inta badan dhaliisha wixii dhaca dusha uga tuuraa maamulka Siilaanyo oo la’aaminsanyahay in uu yahay maamul hoos u dhigay dhaqaalihii deegaanada uu ka arimiyo kadib markii uu la wareegay talada Hargeysa.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa xilligaan waxa ay la ciir-ciireysaa dhalinayo kasoo shaqo tegay gobalada dalka oo dhan kadib markii uu soo laabtay hanaankii dowladnimo ee dalka oo muda badan hawada ka maqnaa, iyada oo ay kamid yihiin dhaliyaro ka timid maamul gobaleedka Somaliland oo ay iska yartahay fursadaha shaqo oo ay ka helikareen, sidaana ay ku qasabtay in ay Muqdisho oo ah caasimadii dalka yimaadaan si ay u anfacaan naftooda iyo tan ehelkoodaba.