Garoowe: (SM)- Mudaharaad balaaran oo lagaga soo horjeedo dagaaladii ka dhacay Kismaayo iyo dhibatoyinka konfur africa ku hayso somalida ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Dadweynaha mudaharaadayey ayaa sitay calamada Jubaland iyo Puntland,waxaana ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ku taagarsan yihiin Jubaland iyo kuwo ay uga soo horjedaan DF oo ay shegeen inay abaabushay dagaalada iyo xiisadaha Kismaayo.
Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraan jecel)oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay in DF ay bedeshay Dastuurkii lagu hishiiyey,wuxuuna dagaalada Kismaayo si cad ugu eedeyey inay abuubashay DF ee Somaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)oo isna hadlay dhibaatooyinka koonfur Africa ee Somalida lagu hayo ayaa sheegey in ay yihiin kuwo aan loo dulqaadan Karin.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cai oo iska ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashey banaanbaxa ayaa muujiyey taageerada reer Puntland u hayaan Jubaland,wuxuna cod dheer ku sheegay in dhisitaanka maamulka Jubaland halgan badan laga soo maray aysana aqbaleyn in la burburiyo.
Xigadho pp