Golaha Guurtidda Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Qaabka Ay Wakhtigan U Shaqayso Siyaasada Arrimaha Dibadu

Hargeysa (SM) Guddida siyaasada arrimaha dibada golaha Guurtida ayaa go’aamo ka soo saaray xaalada siyaasada khaarajiga Somaliland halka ay marayso iyo doodihii goluhu ka yeeshay qodobka 3aad ee siyaasada arrimaha dibada ee kalfadhiga 50aad.

Guddiga arrimaha dibada golaha guurtida ayaa fadhiga shalay oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad Siciid Jaamac Cali waxay golaha soo hordhigeen go’aamada siyaasada arrimaha dibada Somaliland iyo duruufaha ku gadaaman.

 

Gudoomiyaha guddida siyaasada arrimaha dibada golaha guurtida Sahal Iidle Dirir oo warbixintaasi ka hor akhriyay gole-weynaha nuxurka warbxintaasi iyo go’aamada guddiga siyaasadu waxa u dhignaayeen sidan:- “Guddida siyaasada arrimaha dibada iyo iskaashiga xidhiidhka caalamiga ah oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee uu faraayo xeer hoosaadka goluhu qodobkiisa 7aad waxa ay ka bilowday hawsheeda shaqo ajandaha ka;lfadhiga 50aad qodobkiisa 3aad oo u dhigan:-

a)         Siyaasada arrimaha dibada

b)         Siyaasada arrimaha gudaha

Iyo doodii mudanayaasha goluhu ka soo jeediyeen in warbixin ka soo samayso guddida siyaasada arrimaha dibadu.

Sidaas darteed guddidu waxay yeelatay kulan qaatay laba maalmood 12/06/2013 iyo 15/06/2013.

Siyaasada guud ee dalka:-

Siyaasada arrimaha guduhu waa ta laga dheehan karo sugnaanta amanka, dawlad wanaaga, maamul daadajinta iyo isku xidhnaanta bulshada iyo xukuumada iyo gabi ahaanba horumarka bulshada sida waxbarashada , caafimaadka, biyaha iyo dhiska ciidanka Qaranka, Booliska iyo Asluubta iyo Sirdoonka. Siyaasada arrimaha guduhu waa muraayada laga daawado arrimaha dibada, inkastoo aynaan odhan Karin wax waliba waa dhamaystiran yihiin hadana maanta waxay siyaasada arrimaha guduhu maraysaa meel fiican oo ay tahay in laga sii amba qaado. Hadaynu yara milicsano siyaasada guud ee dalku marayo waxa jira shirar badan oo dawladu ka qayb gashay, kuwaas oo loogu arriminayay wada hadalo siyaasadeed oo dhex mara Somaliland iyo Somalia, iyadoo lagu wada hadal siinayo meeqaam ah laba dawladood oo siman, kuwaas oo ku yaala Geeska Afrika. Waxa xusid mudan in bishii may 2013 uu taageero u muujiyay raysalwasaaraha Itoobiya Mr Hailemerian Dessale shacaka Somaliland  khudbadi dheerayd ee uu ka jeediyay aqalka Baarlamaanka dalkiisa, taas oo u baahan in qiimayn lagu sameeyo Hab-dublamaasiyadeedna looga jawaabo, iyada oo mar kasta maanka lagu hayo danteenu halka ay ku jirto. Intaa ka dib waxaanu soo jeedinaynaa wixii talooyin ahaa ee ka soo baxay doodii mudanayaasha iyo kulankii guddida arrimaha dibada iyo siyaayada.

1.         Waa in shacab iyo dawladba la taageero go’aanka ay xukuumadu kaga arriminayso hawadeena, badeena, iyo dhulkeena sida sharcigu dhigaayo, qaramada midoobayna ay aqoonsataa Distoorka iyo shuruucda kale ee dalka Somaliland leedahay.

2.         In siyaasada debeda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee ay xukuumadu wado lagu garab istaago si looga midho dhaliyo ictiraaf raadinta JSL.

                              Guurtida-475x356
3.         In wada hadaladii u socday labada dal Jamhuuriyada Somaliland iyo Somalia la sii amba qaado haddii aanay Somalia si cad uga bixin wadahadalada dhinaceeda.

 

4.         In wasaarada arrimah debedu dardar galiso xafiisyada uga furan dalalka debeda jaaliyadahooduna loogu xidhi lahaa xafiisyadaas.

5.         Si looga gudbo carqaladaha nabadgalyo, siyaasadeed iyo dhaqaaleba waa in shacabka reer Somaliland gacanta is qabsadaan meel uu joogaba.

6.         Waa in laga yeesho siyaasad cad oo ku wajahan dadka badan ee aanay duruuf dhaqaale inoo keenin iyo dagaal toona oo inagu soo qulqulaya isuguna jira  dad gaboobay, Curyaamiin, Indhoolayaal, Bukaan iyo caruur yaryar, kuwaas oo dhibaato weyn oo dhaqan dhaqaale inagu haya.

7.         Xukuumadu ha samayso dad aqoon-yahano ah oo caalamka ka dhaadhiciya qadiyada Somaliland.

15/05/2013 waxay Somaliland soo saartay go’aan daba socda qaraarkii ay Qaramada Midoobey Hawada Somaliya iyo Somaliland-ba ugu wareejisay dawlada Muqdisho, go’aankaas oo u dhigan:- “Somalilan waxay si adag u mabnuucday duulimaadyada Qaramada Midoobey waxaanay sheegtay hawada Somaliland inaan Muqdisho laga xukumi Karin, talaabada Qaramada Midoobey qaadaysana waxay ku tilmaantay mid lagu degdegay” Hadaba laba cisho ka dib 17/05/2013  waxay qaramada midoobey qirteen in go’aankii Somaliland ku xayirtay hawadeeda uu ahaa mid Dawladnimo aanay u hogaansami doonaan wadahadalo  arrintaa lagu xalinayana la bilaabi doonaan xukuumada Somaliland.