Hargeysa(SM) Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Shir Gudoominayayna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxamaan Maxamed C/laahi ayaa Saaka lagu Ansixiyey Laba Wasiir Ku Xigeen.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Golaha u sheegay in sida uu sharcigu dhigayo, ay Golaha Shaqadooda ka mid tahay inay ansixiyaan Masuuliyiinta Qaranka ee Madaxweynuhu magacaabo, waxaanus sheegay in Golaha loo soo Gudbiyay laba wasiir kuxigeen si ay cod ugu qaadaan. Labadan Wasiir oo kala ah:
- Adam Diiriye Cigaal, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga JSL.
- Nuur Cismaan Guuleed, Wasiirk ku Xigeenka Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka JSL.
Intaas kadib waxaa uu Guddoomiyuhu ka codsaday Xogahayaha Guud ee Golaha Wakiilada mudane C/risaaq Siciid Ayaanle inuu Xildhibaanada u Akhriyo Taaiikh nololeedka labada Wasiir ku xigeen.
Markii la akhriyay Taariikh Nololeedkooda ayaa waxa uu Gudoomiyuhu fasaxay labadii Wasiir ku Xigeen, kadibna waxa uu Goluhu Gudo galay inuu u codeeyo Masuuliyiintaa , codayntiina waxay u dhacday sidan soo socota:
Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 43 Mudane ayaa waxaa labada wasiir ku xigeenba ogolaaday 42 mudane, Cid Diiday iyo Cid ka Aamustay toona may jirin, Gudoomiyuhuna ma codayn sida caadiga ah.
Salaanmedia/Hargaysa