Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Guddida Xalinta Khilaaf-saarka Beesha Sacad Muuse Oo Go’aano Ka Soo Saartay Shirka Beesha.

news

Hargeysa(SM) Guddidii  is xil qaantay ee u kacday xalinta khilaaf-saarka shirka Beesha Sacad Muuse ee khilaafku ka taagnaa ayaa maanta soo saartay  Bayaan ay ku cadaynayaan go’aamo ku saabsan Shirkaasi.

Xildh. Muxumed Aw Axmed, Sh Muxumed Sh Suufi iyo Sh Khaliif Sh Xassan oo ka mid ah guddida ayaa go’aanka ka hor kulankan lagu soo bandhigay go’aamada oo ka dhacay guriga Salaadiinta Habar-awl ka sheegay guddi ahaan in ay dedaal dheeraad ah ku bixiyeen sidii shirka Beeshu u qabsoomi lahaa iyo sidii khilaafka ka taagan shirkaasi loo soo af-jari lahaa.

Waano iyo Wacdi dheer kadib waxa ay Salaadiinta Sacad Muuse u soo jeediyeen in ay khilaafka dhexdooda joojiyaan isla markaana ay ku dhaqmaan go’aamadan ay u soo sameeyeen, iyagoo ku guubaabiyay Beesha Sacad Muuse in ay ka sugayso in ay shirkaas ku hogaamiyaan wadajir iyo Midnimo.]

Go’aamada ay soo saareen guddidu waxay u dhignaayeen:-

Ujeedo: Go’aanka Guddida Xalinta Khilaaf-saarka

Sidaad wada ogtihiin waxa ka soo baxay madax-dhaqameedka iyo guddiyada iska soo horjeeda ee beesha Sacad Muuse baaqayo isburinaya oo lagu kala aragti duwan yahay nooca shirka Beesha Sacad  Muuse noqonayo.

Baaqyadaasi markiiba wax aka biyo diiday madaxda dhaqanka oo u arkay in masuuliyaddii dhaqan ee ay lahaayeen lala garab maray cabashona ka muujiyeen, waxa iyana soo baxay guddiyo ka tirsan beel weynta Sacad Muuse oo ku kala aragti duwan nooca shirku noqonayo, waxaana adkaaday fahankii shirka, taasi waxa ay keentay in la is weydiiyo shirku ma shir shaqanbaa mise waa mid siyaasadeed.

Arrinta fahan waageedu waxa uu keenay khilaaf iyo kala fogaansho dhex maray dhinacyadii dantu ka dhaxaysay oo cidiba xadhiga dhan u jiiday, arrintaas markii khilaafkeedu dibeda usoo baxay waxa soo dhex galay sida ku cad qoraalka hore odayaal iyo Culimo awdiin ka tirsan beesha waxaanay dhamaan madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad ay la yeesheen xog-waraysi. Waxaanay weydiisteen inay kalsoonida arrinta siiyaan odayaasha iyo Culimo awdiinka beesha, dhamaan guddiyadauna waa ay ka aqbaleen kalsoonidii ay siiyeen.

Waxaanu uga mahadnaqaynaa madaxa dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen kalsoonidana noo siiyeen.

Waxa dhamaan isku wada raacsanahay sida ka muuqata warbixinadiinii is shirku yahay mid dhaqan ee aanu ahayn mid siyaasadeed.

•         Hadaba markay aragtay guddidu in khilaafka dhex yaala madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad ahayn mid qoto dheer.

•         Markay gudidu u dhaba-gashay khilaafkii dhex yaalay madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad

•         Markay dhagaysi iyo qoraalba ka samaysay madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad ee uu khilaafku dhex yaalay

•         Markay danta beesha dhan walba ka eegtay

•         Markay ka fikirtay khasaaraha ka iman kara tafaraaruqa beeshu aanu cidna dan u ahayn

•         Markay aragtay guddida in sadexda qodob ee ugu muhiimsan in ay isaga mid yihiin

Madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad oo ah sida hoos ku xusan:-

1.       In la qabto shirweynaha beelaha Sacad Muuse lagana ilaaliyo wixii caqabad ku keeni kara.

2.       In ay shirka Sacad Muuse qabashadiisa looga danbeeyo cida xaq u leh oo ah madaxda dhaqanka.

3.       In aan shirweynaha dhaqan ee loo qabanayo beelaha Sacad Muuse aan lagaga hadal wax siyaasad ah mudada shirku socdo.

Waxay guddida xalinta khilaaf saarku soo saartay go’aamadan:-

1.       In si niyadsami ah la isku saamaxo illaahay hortiis si loo helo wada shaqayn wacan oo wax ku ool ah.

2.       Sida kor ku qoran kana muuqata dhamaan soo jeedimihii madax-dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad shirku waa shir dhaqan waxaana hogaaminaya madax-dhaqameedka.

3.       Salaadiintu waxay soo xulayaan ergooyinka iyaga oo la tashanaya cuqaasha beesha tirooyinkuna waa tusmo.

4.       Xog-haynta shirka waxa magacaabaya shirguddoonka marka ay la tashadaan salaadiinta kale iyo cuqaasha

5.       Guddida qaban qaabada waxa magacaabaya salaadiinta waxa tiro macquul ah ka qaadanayaan labadii gudi qaban qaabo ee hada jira wixii kalena waxay qaadanayaan beelaha aanay cidi kaga jirin tiradaa macquulka ah ee laga qaatay labadaa guiddi.

6. kharashka shirka waxa wada samaynaya salaadiointa iyo Guddida qabanqaabada .

7. Goobta shirka waxaan soo jeedinaynaa in laga dhigo Agabar

8. Tirada ergooyinka waxan soo jeedinaynaa in aaanay ka badan 600 oo qof waxaanay ku xidhnaan doontaa dhaqaalaha la helo korodhsiimo iyo dhimidba.

9. Af-hayeenka shirka waxa magacaabaya Shirguddoonka

 

Magacyadda guddida xalinta khilaaf saarka

1.         Xildh. Muxumed Aw Axmed Guddoomiye

2.         Sh Muxumed Sh Suufi Xubin

3.         Sh Khaliif Sh Xassan  xubin

4.         Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil Xoghayn

5.         Maxamed Muuse Diiriye Xubin

6.         Cumar Boobe Xandulle Xubin

7.         Maxamed C/laahi Loodoon Xubin

8.         Maxamed Meecaad Xubin

9.         Xasan Cali Muuse Xubin

Dhinaca kale, Salaadiinta Sacad Muuse oo fadhiday madasha Go’aankan ay ka akhriday guddidu oo ahaa Guriga Salaadiinta Habar Awal ayaa guddoomay go’aamadaasi. Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Guddoomiyaha Guddida Salaadiinta Sacad Muuse ayaa madashaas kaga dhawaaqay Salaadiin ahaan in ay aqbalayaan balse waxa uu ka codsaday Guddida in aanay ka dheeraan oo ay la garab taagnaadaan Tallo iyo Tusaale inta shirku ka qabsoomayo.




Leave a Reply