Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliya Oo Ka Dhawaajiyey Qodob Somaliland ka Hor-joogsanaya Sii-socoshada Wada-hadalladii

June 27, 2013 Muqdisho (SM)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaahiri ayaa xukuumadda uu gad-wadeenka ka yahay Xasan Sh. Maxamuud ku taageeray geeddi-socodka wada-hadallada u bilaabmay Somaliland, haseyeeshee waxa uu ugu baaqay in wada-hadalladu waafaqsanaadaan Dastuurka Somaliya.

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlayey xaflad habeen hore lagu xusay Calankii u horreeyey ee laga taago deegaannada kala duwan ee Soomaalida oo madaxweynaha dalkaasi ka qayb-galay, waxa uu soo jeediyey in laga fogaado hadallada Xanafta leh ee xanibaadda u keeni kara wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya, haseyeeshee waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in wada-hadallada lagu salleeyo qodobbada Dastuurka Soomaaliya, arrintaas oo caqabad hor leh ku noqonaysa wada-hadallada maadaama oo dastuurka dalkaasi ka tarjumayo aragtida ay masuuliyiintoodu ka qabaan aayo-ka-tashiga Qaddiyadda Somaliland.

Maxamed Jawaari waxa uu yidhi, “Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed waxa uu soo dhawaynayaa, tageerayaana sii waddida wada-hadalada dib-u-heshiiska ku bilaamay Xukuumadda Federaalka ah iyo Somaliland. Inta geedi-socodka wada-hadalladu ay socdaan tan iyo inta gunaanadkiisa laga gadhaayo Baarlamaanka waxa uu ku talinayaa in Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu ka fogaado hadalkasta oo keeni-kara xanaf iyo ismaan dhaaf.
Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxa uu ku talinayaa in is dhex-galka iyo isu-socodka Bulshada iyo xidhiidhka dhaqaale iyo ilaalinta midnimada dhulka iyo gobanimada Ummadda Soomaaliyeed wada lahaantoodu waa dhaqano isku dhafan oo xidhiidhiya Bulshada Soomaaliyeed oo aan sina loo kala fur-furi karayn dhulkasta oo ay ku nool yihiin iyo Calankasta oo ay huwan yihiin. Sidaa daradeed dhaqanadaas aanu soo tilmaanay waa inay ka mid noqdaan qodobbo ka mid ah ajandaha geedi socodka wada-hadalada u bilaamay Dawlada Faderaalka iyo Somaliland.”

Waxa uu sheegay in Baarlamanka uu hoggaamiyaha ka yahay soo jeedinayo in wada-hadallada la waafajiyo dastuurka dalkiisa. “Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa uu ku talinayaa in nuxurka iyo natiijada wada-hadalku inay waafaq-sanadaan rukunka haya Distuurka Dawlada Faderaalka Soomaaliya ee sida ku meelgaadhka ah loo ansixiyey iyo Distuurka kama dabaysta ah ee haddii Eebe idmo Dad waynaha Soomaaliyeed 2015-ka ay ku ansixin doonaan Afti Dadwayne,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in baarlamankiisu kala hawl-galayo Dawladda sii xoojinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka uu kaga dhawaajiyey guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ee uu ku taliyey in wada-hadallada lagu saleeyo distuurka dalkaas, ayaa caqabad hor leh ku noqonaysa geeddi-socodka wada-hadallada mabaadi’da kala duwan xambaarsan ee u socda xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya.

Salaanmedia/Mogdisho