Guddoonka Jaamacadda Hargeysa Oo Iclaamiyay Xiliga Ardaydu U fadhiisanayso Imtixaankii Jaamacadda

HARGEYSA (SM)-Guddoonka Jaamacadda Hargaysa ayaa maanta ku dhawaaqay in Ardayda Jaaamacaddu ay imtixaanka u fadhiisan doonaan maalinta Sabtida ah ee 22-ka bishan June.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargaysa Maxamed Cali Dhuux oo maanta la hadlayey warbaahinta Dawladda ayaa sheegay in jaamacadda ay dhigtaan shan kun oo arday oo u kala baxa sadex qaybood oo kala ah qaybta bilowga ah, qaybta dhexe iyo qaybta iminka qalin jebinaysa.

Md Cali Dhuux waxa uu sheegay in labada qaybood ee kala ah qaybta dhexe iyo qaybta Sinior-ka ee qalin jebinaysa ay imtixaanka u fadhiisan doonaan 22-ka bisha halka qaybta bilowga ahina ay muddo bil ah ka bacdi u fadhiisan doonaan imtixaanaadka.

Gudoomiye ku xigeenka jaamacaddu waxa uu tilmaamay in wax laga bedelay hanaankii hore ee gellitaanka imtixaanaadka isla markaana lagu gelayo ID-yo cusub, waxana uu la socodsiiyey ardayda in ay labada maalmood ee ka hadhay maalinta imtixaanaadka ay ku qaataan ID-yada cusub, ardaygii laga waayana aanu imtixaanka geli doonin.

 

Salaanmedia/Hargaysa