Gudomiye Ku Xigeenka WADANI Oo Xukuumada Madaxwayne Siilanyo Dhaliil Kulul U Soo Jeediyay

 

image

Hargeysa( SM) June08, 2013-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa ka hadlay duruufaha nololeed ee ku xeeran shacabka reer Somaliland, diyaar-garow la’aanta xukuumadda ee doorashada golaha Wakiilada iyo Tahriibka dhalinyarada ee xadhkaha goostay.

Guddoomiye Axmed Muumin Seed oo Wareysi siiyay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in tahriibka dhalinyarada ay sabab u tahay caddaalad daro uu sheegay inay wasiirrada xukuumaddu qayb ka yihiin iyo qabyaalada oo uu sheegay inay ifka u soo baxday markii Kulmiye tallada la wareegay.

Mr Seed, waxa uu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku tilmaamay tii ugu tayada xumayd ee Somaliland soo marta, isaga oo barbar dhigaya xukuumadda Rayaale-na waxa uu yidhi  “Dawladdii Daahir Rayaale dimuqraadiyadda korbay u qaaday, dhanka xuduudaha, ciidamada qalabka sida, sirdoonka iyo amaankaba way ku fiicnayd, laakiin xukuumaddii Rayaale ceebta ay lahayd waxay ahayd xagga waxqabadka, laakiin dawladda Siilaanyo ee Kulmiye waa dawladdii ugu liidatay ee Somaliland soo marta, markaan leeyahay way ugu liidataa waxaan uga jeedaa tan iyo markii ay xilka kala wareegtay xukuumaddii UDUB wax la taaban karo oo la odhan karo way qabatay ma jirto, dhanka doorashooyinka oo kale waxay qabatay doorashadii deegaanka, taasina dhibaatooyin badan-baa inaga qabsaday, waxayna ahayn doorashadii ugu horeysay ee xukuumadda Kulmiye qabato ilaa haddana degmooyinka qaar sida Saylac oo kale mushaakilaadkii lama xalin dhimasho ayaana dhacday, waxaasina waa wax dawladdu sabab u tahay”

Guddoomiye Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in ceebta ugu weyn ee xukuumadda Siilaanyo ku soo foolka lihi inay tahay doorashada soo socota oo uu tilmaamay in aanay u diyaar-garoobin  “Dawladda imika waxa u hadhay laba sano oo wax la’, ceebta weyn ee anagu aanu siyaasiyan walaaca ka muujinaynaa waxa weeyaan dawladda Siilaanyo diyaar uma ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo  xalaal ah oo diwaangalin ku dhacda, sababta waxa weeyaan, sanad iyo dhowr biloodbaa hadhay, waxay ahayd in komiishanka doorashooyinku ay shan bilood ka hors ii haystaan wakhtiga doorashadu dhacayso, doorasho diwaangalin la’aan lagu gali karaana ma jirto, waayo dhibaato badanbaa inaga qabsanaysa, anaguna haddii aanu Waddani waxaanu mar walba diyaar u nahay in doorashada la galayo lagu galo diwaangalin, laakiin dawladda ilaa hadda kama muuqdo ifafaale ay doorasho ku qabanaysaa laba sanadood oo wax la’ina way u hadheen, markaa waxa muuqata in Somaliland mugdi badan ay gali doonto” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Doorashooyinku waxay ka mid yihiin ididiilada ay dhalinyaradu dalka ku joogaan, laakiin haddii ishii kali ahayd ee doorashada iyo diwaangalinta la sameeyo ahayd la waayo waxay ila tahay in mugdi badan la gali doono, markaa waxaanu shacabka reer Somaliland u iftiiminaynaa in kabaha loo gashado dawladdan, si doorasho diwaangalin lagu gala ay dalkan uga dhici lahayd”

Axmed Muumin Seed oo la waydiiyay, halka ay ku dambaysay fariin uu komiishanku u diray Madaxwayne Siilaanyo oo la xidhiidhay in la dedejiyo qabsoomida doorashada ayaa ku jawaabay “Waxaanu warar xog-ogaal ah ku haynaa in komiishanku ka war sugayaan Madaxtooyadda oo aanay ilaa hadda xukuumadda ka soo bixin wax doorashadaasi iyo xiliga ay dhacayso ku saabsan” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in xukuumadda looga baahan yahay inay is waafajiso hadalkii Madaxwayne Siilaanyo ku sheegay inaanu doonayn in wakhtiga loo kordhiyo in diyaar-garow la’aantiisa “Baarlamaanka waatii loo kordhiyey, Madaxwayne Siilaanyo-na wuxuu sheegay inaanu maalin ku darsanayn oo doorashadu xiligeeda dhacayso, laakiin ifafaalaheedii nooma muuqda, markaa hadalkii Madaxwaynaha ka soo baxay iyo sidan wax u socdaan sidii la isku waafajin lahaa xukuumaddaa laga rabaa, anaguna haddii aanu Waddani nahay doorashadu in maalin dib u dhacdo diyaar uma nihin”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Waddani Mr Seed, oo sidoo kale la waydiiyay waxa ka odhanayo fikir ay qabaan masuuliyiinta xukuumadda qaarkood oo ah in dadka Tahriibayaa yihiin dadka lacagta haystaa isla-markaana shaqo la’aani aanay jirin ayaa ku jawaabay  “Nin lacag haystaa Ma Tahriibayo, dadka Tahriibayaana waa dhalinyaradii Somaliland, waa dhalinyaradii ka baxay Jaamacaddaha, maxay u tahriibayaan-baa iswaydiin leh, markii xisbiga Kulmiye tallada la wareegay qabyaaladiibaa inagu sii xoogaysatay, halkii markii hore looga socday in dimuqraadiyadu korto oo qabyaaladu inagu sii yaraato, markaa anigu sababta ugu weyn ee aan isleeyahay Tahriibka sababay u tahay waa Caddaalad daro, waayo mar walba imtixaanbaa lagaga qaadaa ardayda NGO-yada iyo hay’addaha, haddii saddex arday ku soo baxaan imtixaankaasi, lama shaqaalaysiiyo ee wasiir hebel-baa laba ama saddex aan waxna qorin waxna akhriyin wataa lagu odhanayaa, dhibaatadaa labaad ee inaga taa inoo raacdaa waxa weeyaan dalka Gabigiisaba ajaanib-baa ka shaqeeya, waxaad arkaysaa ajaanib ay dhalinyaradeenu ka aqoon badan yihiin oo dalka ka shaqeynaya, markaa aniga waxay ila tahay nin adduun haystaa mari maayo saxaraha u dhexeeya Liibiya iyo Suudaan, markaa anigu waxaan u arkaa nin masuul ah oo dawladda ka tirsan oo leh dadka lacagta haystaa Tahriibaya inay ceebta dawladda meel ay ku tiiriyaan ay la’yihiin oo waa hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma waydo, dhalinyaradan shaqo la’aan iyo caddaalad daro ayaa eryeysa”

Guddoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, waxa uu amaanay sidii dalka loogu soo dhaweeyay Prof Axmed Ismaaciil Samater.

Salaanmedia/Hargaysa

 

Xigadho … Geeska