Gudoomiyaha Baanka Somaliland Oo Qado-sharaf U Sameeyay Xulka Sanaag

 

Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir   Cabdi ayaa maanta xulka gobolka Sanaag  hadhimo sharafeed ugu sameeyay Huteelka Summer Time   ee magaaladda Hargeysa.

Xafladaas qado sharafta ahayd waxa kale oo ka soo qeyb galay  Maareeyaha Madbacadda Qaranka Mudane Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carrey), Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, isku duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sanaag iyo ciyaartoyga xulka kubadda cagta iyo kollayga ee gobolka Sanaag.

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Mudane Cabdilaahi Maxamed  Jaamac (Carey) oo ka hadlay xafladaasi ayaa ugu horayn u mahad celiyay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee oo casuumadan u fidiyay ciyaartoyga si uu ugu dhiiri geliyo xulka gobolka Sanaag.

Maareeyaha madbacadda qaranku waxa uu sheegay in sirta ciyaaraha ee uu xulka gobolka Sanaag ku dhiiri gelinayaa ay tahay nabad-gelyadda, akhlaaqda  iyo ciyaar wanaagga.

Maareeyaha Madbacaddu waxa uu  u soo jeediyay ciyaartoyga gobolka  Sanaag inay qabatimaan oo ay joogto ka dhigtaan akhlaaq wanaaga si ay horusocod uga sameeyaan sooyaalka taariikheed ee dalka.

Md. C/laahi Caray waxa uu intaasi ku daray in gobolka Sanaag loo sameeyay guddi joogto noqon doonta oo ka shaqaysa  xoojinta iyo horumarinta ciyaaraha gobolka Sanaag, waxaanu sheegay inay dhaqaale u ururinayaan ciyaaraha gobolka Sanaag sidii loo dhisi lahaa naadiyada heerarka kala duwan ee kubadda cagta gobolkaas.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir  Cabdi ayaa sheegay  inuu xafladan qado sharafta ugu sameeyay xulka  Sanaag sidii ay u xoojin lahaayeen  isku xidhnaanshahooda isla markaana ay ula iman lahaayeen ciyaar wanaag, akhlaaq  si ay sumcad wanaagsan ugu soo jiidaan gobolkooda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay  in xulka Sanaag ay  aanay rajo xumayn, waxaanu ku dhiiri geliyay inay  ciyaarta sadexaad ku tuntuunsadaan.

 

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadlay Isku duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka  Sanaag iyo mid ka mid ah ciyaartoyga xulka kubadda cagta ee Sanaag, kuwaasi oo Guddoomiyaha Baanka ugu mahad celiyay martiqaadka uu u fidiyay, waxaanay masuuliyiinta kale ee gobolkaas ka soo jeeda ugu baaqeen inay ku daydaan Guddoomiyaha oo ay taageeraan ciyaartoyga Sanaag.

Waxa kale oo ay ammaan u soo jeediyeen Maareeyaha Madbacadda qaranka oo ay sheegeen inuu  ka mid yahay masuuliyiinta sida joogtada ah u taageera ciyaartoyga gobolka Sanaag.

 

Cumar Maxamed Faarax