Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland Oo U Safray Magaalada Jabouti Si Uu Uga Qaybgalo Xuska Munaasibada Dabaal Daga Calanka Jabouti,

June 26,2013 Hargaysa(SM) – Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo gudoomiye ku Xigeenkaa koowaad Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta uga Waramayay Ujeedada Socdaalkooda ayaa ku Sheegay inuu la Xidhiidho Marti qaad ay ka heleen Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele,oo ku casuumay Xuska iyo dabaal dega 27 June oo ah 36 Guuradii ka soo wareegtay Markii ay J.Jabuuti Xornimadeeda ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska.

Gudoomiye Cirro waxa uu Shacabka iyo Xukuumada Jabuutiba ku hambalyeeyay dabaal dega Maalinta Qaranimadooda waxaanu Sheegay inuu Shacabka Somaliland uga sido inay ku faraxsan yihiin heerka ay Jabuuti taagan tahay waxaa kale oo Gudoomiyuhu tilmaamay in ay Somaliland ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaatay 26kii June, 1960,Balse ay Nasiib daro tahay inay Maanta baadi goobayaan Aqoonsi ay ka helaan Dunnida,Taas oo uu ku sababeeyay in Ummada Somaliland ay ka Go’nayd in la helo Shan Somaliyeed oo Geeska Africa ka hirgasha,Taas oo Noqotay Sida uu Yidho riyo aan rumoobin.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta haatanse loo bedelay Wasaarada Wershadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur, ayaa Maalmihii u danbeeyay ku sii Sugnaa Caasimada Jabuuti oo uu kaga qayb galayo Munaasibada xuska Maalinta Qaranimada J.Jabuuti ee 27ka June .

Salaanmedia/Hargaysa