GUDOOMIYAHA XAQSOOR MUJ: XASAN CIISE JAAMAC OO XUKUUMADDA KU EEDEEYAY XADHIGA HUBAAL IYO WEEARADAY RRU-DA U ADEEGSATAY

download

Inta Lexejeclo ka qabta Walaalnimada Reer Somaliland iyo Madax banaanideeda waa inay dhakhso uga tashadaan Dulmigan Badheedhka ah

Hargeysa (SM) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedkii Xaq-soor Xasan Ciise Jaamac ayaa soo saaray War-saxaafadeed kulul oo uu xukuumadda Talada haysa ku Eedaynayo in ay Lama huraankii Dalka Tacadi joogto ah ku hayso, isla markaana waxa uu ku baaqay inta Jecel Walaaltinimada iyo Madax banaanida Somaliland in ay isugu yimaadan wadatashi ay kaga dhiidhiyayaan Dulmiga Badheedhka ah.

Sidoo kale waxa uu Xasan Ciise tilmaamay Xadhiga Wargeyska Hubaal iyo weeraradii kala danbeeyay ee ay Xukuumaddu u adeegsatay Ciidanka RRU-da in ay ahaayeen kuwo aan loo dul-qaadan Karin oo ka hor imanaya Xorriyada Saxaafad iyo Amniga Dalka. 

War-saxaafadeedka uu soo saaray Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedkii Xaq-soor waxa uu u dhignaa sidan:-

  

URURKA XAQSOOR WAR-SAXAAFADEED             Date: 11/6/2013

 

Waxa imika isoo gaadhay warka sheegaya in wargeyskii Hubaal la xidhay oo amar lagu bixiyey inaan la daabicin lana iibin talaabada noocan ah iyo tii ka horaysay ee wargeyska iyo shaqaalihiisa hubka lagu weeraray waxa weeyaan talaabooyin distoorka, sharciga iyo dhaqankaba ka baxsan.

 

Talaabooyinkan marka lagu daro sidii foosha xumeyd ee loogu dhacay guriga Cismaan Awr liqe iyo sidii argagaxa lahayd ee loo weeraray meelo Burco ka mida iyo sidii taageerayaasha Xaqsoor een hubaysnayn rasaasta loola dhacay Hargeisa iyo zeilac doorashooyinkii ka dib, waxa soo baxaya sawir aan loo dulqaadan Karin.

 

Waxa muuqanaya in xukumada maanta ka jirta Somaliland ay u adeegsanayso ciidamadii loogu talagalay inay amaanka sugaan, qorshayaal lidi ku ah amniga, midnimada, xoriyada iyo dimuqaraadiyada qaaliga ah eey shicibka reer Somaliland u soo hureen naf iyo maalba.

 

Waxa muuqata oo lagama maarmaan ah in intii laxejeclo ka qabta walaalnimada reer Somalailnd iyo madaxbanaanideeda ay dhakhso uga wadatashadaan tacadiga iyo dulmigan badheedhka ah eey xukumada ku hayso qaybo badan oo ka mida lama huraanka reer Somaliland.

 

Wabilaahi Tawfiiq

 

Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac