Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng. Faysal C. Waraabe Oo Sheegay In Lamarin Habaabiyay U Jeedadii Tartanka Ciyaaraha Gobalada Somaliland.

faysal

Jun 20,2013 Borama(SM) – Kadib shirjaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay wasiiradii xukuumada Silaanyo ay ku milmeen kooxihii kaladuwanaa ee ka qaybqaadanaayay tartanka ciyaaraha gobalada loogu qabtay Hargeysa oo haatani ah mid gabagabo ah.

Hadaba Gudoomiye Faysal Cali ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inay ku fashilmeen wasiiradii xukuumada Silaanyo oo la arkaayay qaar ka mida Wasiiradaasi oo dhex orordaaya garoonka ciyaaruhu ka socdaa dhexdiisa iyaga oo taageersan gobal islamarkaasina ay tahay arintaasi waasida uu hadalka u dhigayee in ay ku fashilmeen wasiirnimadii, waxaana uu u sobabeeyay in ayna kaliyahaata u ahayn wasiir gobalka ay taageersanyihiin ama ay ka soo jeedan balse ay yihiin wasiiro qaran oo u dhaxeeya gobalada.

Waxaana uu sidoo kale Gudoomiyihu sheegay inay kaliyahaata xildhibaanada la soo doortay ay taageeri karaan waayo iyaga waxaa soo doortay bulshada gobalkaasi ama degmadaasi waxaana uu yidhi “Wasiir ka qaybqaata taageerada gobal kaliyahaata waa ku ceeb waa in wasiirku u dhaxeeyaa Gobalada waayo isagu waa qaran gobalada wuxuu u wada yahay wasiir hadaan anuu ahaan lahaa Madaxweyne wasiiradaasi waan wada badili lahaa, waxaanan kaliyahaata wax taageeri karaa waa Xildhibaanada ama wakiilada”.

Geesta kale waxaa uu Eng. Faysal Cali Waraabe ugu baaqay ciyaaryahanada ku kulmi doona ciyaarta kama dambaynta in ay ku dadaalaan sidii ay ugu soo bandhigi lahaayeen dadka martida ah ee daawanaaya ciyaar saaxiibtinimo oo aan dadka soo jiidata, sidookalena ay isaga ilaalin lahaayeen gabi ahaanba wax kasta oo dhib u keeni kara ciyaartooda.

Salaanmedia/Hargaysa