Home Wararka Hargaysa:Maydka Qof La Dilay Oo Xalay Laga Helay Xaafada Masalaha Ee Koonfurta...

Hargaysa:Maydka Qof La Dilay Oo Xalay Laga Helay Xaafada Masalaha Ee Koonfurta Magaalada Hargaysa

Hargaysa:Maydka Qof La Dilay Oo Xalay Laga Helay Xaafada Masalaha Ee Koonfurta Magaalada Hargaysa

(SM:Hargaysa)Qofkii sadexaad ee toddobaad gudihii la dilo  ayaa xalay lagu dilay xaafadda Masalaha ee magaaladda Hargeysa, kaasoo aan ilaa hada la garanayn cid dishay, balse Meydkiisa laga helay xalay fiidkii xaafadaasi.

Meydka ninkan ayaa la sheegay in uu u muuqdo in la dilay, waxaana soo qaaday Booliis gaadhay goobta laga helay Meydkiisa, iyadoo dhacdadani noqonayso tii labaad ee xaafadaas ka dhacda, halka dhinaca kale ay ka noqonayso tii sadexaad eek a dhacda Hargeysa.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in aan la haynin cidii dilkaas geysatay, iyadoo arrintaasina ka dhigaysa falkii sadexaad ee sidaas oo kale u dhaca.

Dhacdooyinkan ayaanay ilaa hada Xukuumadda Somaliland ka hadal, balse dadweynaha Hargeysa ayay falalkani ku dhacayaan maalmo kadib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo cafiyay dad xabsiyadda ku jiray oo u badan sida dadweynuhu isla dhex marayaan Tuug.

Dilka ka sakow, waxa cabasho xoogani ka soo baxaysaa xaafadaha Hargeysa oo durtba dareemay tuugo xad dhaaf ah oo guryaha iyo dariiqyada ka dhacaysa, taasoo loo aanaynayo in ay la kawsadeen Tuugta la soo daayay.

 

Xigasho :Waaheen

Â